Maraykanka: “Waxaannu Dilnay Sarkaalkii Al-Shabaab ee Shacabka badan Gumaaday, Waana..”

USA DROWN
USA DROWN

Somalia(Aftahannews):- Taliska Ciidanka Maraykanka ee Africom ee fadhigiisu yahay Afrika, ayaa sheegay in duqayn ay 2-dii bishan April Diyaaradohooda aan Duuliyaha lahayn ka fuliyeen deegaanka Bush-Madina ee gobolka Bay lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

USA DROWN
USA DROWN

War-saxaafadeed uu soo saaray Talika Maraykanka ee Africom, wuxuu ku sheegay in Duqayntaas lagu dilay Sarkaal sare oo Al-Shabaab ka tirsan oo la odhan jiray Yuusuf Jiis.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa aasaasyaasha kooxda, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas’uul ka ah gumaadka shacabka.

“Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixsada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin rabsho badan, arxan darran, kana mas’uul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka amni roon.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Taliyaha AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

War hore oo qoraal ah oo Sabtidii kasoo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 argagixiso, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.