Hargeysa(aftahannews):- Shirkada Oomaar Internatoinal, ayaa Deeq gaadhsiisay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa, gaar ahaan qaybta Hooyada iyo Dhallaanka, Deegdaas oo isugu jirtay Raashin, Caano iyo waxyaabo kale.
Deeqdan agabka caafimaad ee shirkada oomaar gaadhsiisay Dhakhtarka wayne ee hargaysa qaybtiisa hooyada iyo Dhalaanka ayaa ahayd 100kortoon oo xafaayadaha caruurta ah kuwaasi oo ay shirkadu ugu qayb qaadayso dadaalka loogu jiro kor Uqaadista nadaafada si looga hortaga caabuqa sida xawliga ufaafaya Ee Coronavirus iyadoo agabka caruurtana ay baahin wayn uqabeen caruurta yar yare e ku jira qaybta hooyada iyo Dhalaanka ee cisbitaalka Hargaysa.
Ugu horayna Waxaana Munaasibadan Mukhtaar Saleebaan oo faah faahin ka bixiyay deeqdan Shirkada Oomaar soo Gaadhsiisay dhakhtarka way nee hargaysa qaybtiisa hooyada Iyo dhalaanka oo ahayd 100kortoon oo xafaayadood kana kooban 8000kun oo xabo.
Dhanka kale waxaa isna ka hadlay deeqdan shirkada oomaar soo gaadhsiiisay dhakhtarka wayn ee magaalada hargaysa Masuul katirsan maamulka cisbitaalka Hargaysa kaasi oo shirkada oomaar uga mahad celiyay deeqdan ay soo gaadhsiisay oo uu sheegay in baahi wayn loo qabay.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.