Dowladda Somaliland oo Xabsiyada Ka Sii-daysay in ka Badan Shan Boqol oo Maxbuus Xaalado Cusub Awgood

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAXAABIIS CAFIYEY 2020.jpg
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAXAABIIS CAFIYEY 2020.jpg

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Cafis u Fidiyey Shan Boqol oo Maxbuus oo Xabsiyada Dalka ugu Xidhnaa Dembiyo Fudud, Ka Hortagga Coronavirus.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAXAABIIS CAFIYEY 2020.jpg
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAXAABIIS CAFIYEY 2020.jpg

Wareegto Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray Arbacada 1-da April 2020, ayuu ku sheegay inuu cafiyey Maxaabiista dembiyada fudud xabsiyada ugu xidhay, markii qiimeeyey, isla markaana tixgeliyey talooyinka iyo codsiyada Xeer-ilaalinta, Taliska Asluubta iyo dhinacyo kale.

Waxay Wareegtada Madaxweynaha Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com u dhignayd sidatan:- “WAREEGTO MADAXWEYNE: 01 /04/202- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis;

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020.

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan. Allaah mahad leh.” Sidaa ayuu Wareegtadiisa uu Maxaabiista ku cafiyey ku yidhi Madaxweynaha Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.