Somaliland oo Shaacisay Labadii Qof ee ugu Horreeyey ee ay Ka Hesho Cudurka Covid-19

Breaking_news-5

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in laba Qof oo midkood dalka China u dhashay laga helay Cudurka Dunida aadka ugu faafay ee Corona-virus Covid-19, kuwaas oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Breaking_news-5
Breaking_news-5

Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo Warbaahinta kula hadlay Shir Jaraa’id oo ay isaga, Khoboro Caafimaad iyo Masuuliyiinta Wasaaraddaas Xubna ka tirsani ku qabteen Hargeysa caawa fiidkii, ayaa sheegay in laba Qof laga helay Cudurka Covid-19, labadaas oo midkood Reer Somaliland yahay, midna Dalka Shiinaha u dhashay.

“Maanta oo ay tahay 31/03/2020, waxaannu xaqiijinaynaa laba xaaladood oo ah Cudurka Covid-19, labada Qof, ayaa midkood ku sugan yahay magaalada Berberana, dhalasho ahaanna yahay Qof Shiine ah, Qofka labaad wuxuu ku sugan yahay magaalada Burco, waa Qof Reer Somaliland ah oo haysta dhalashada Dalka Ingiriiska.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali oo sharraxaya siday ku ogaadeen labada Qof iyo baadhitaannada lagu xaqiijiyey, waxa uu yidhi; “Labadan Bukaan waxaannu arrinkooda ogaannay 26-kii bishan, ka dib waxaannu samaynay Jicmihii 27 March 2020, amar ku siinnay maamulka Caafimaadka ee Burco iyo Berbera in baadhitaan lagu sameeyo labadaas qof, baadhitaankaas waxa samaysay wasaaradda caafimaadka, natiijadii soo baxday markaas waxay noqotay inay xanuunkaas qabaan.”

“Laakiin, si aannu u xaqiijinno waxaannu dhiiggoodii u dirnay mar labaad Shaybaadh ku yaalla dalka Kenya oo ay WHO aqoonsatay. Ka dib markii baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyey, lana ogaaday inay labadaas qof qabaan Xanuunka Covid-19.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

 Wasiirka Caafimaadka Somaliland, waxa uu sheegay inay Maamullada Caafimaadka ee Berbera iyo Burco ay dabagalaan Dadkii ay la kulmeen labadaas Qof, isla markaana baadhitaan caafimaad lagu sameeyo. Wasiirku intaas waxa uu ku daray in labada Qof ee Cudurka laga helay ay ku hayaan goobaha Caafimaadka ee magaalooyinkaas, isla markaana ay xaaladdooda caafimaad fiican tahay.

Somaliland: Dhayalsiga iyo Dheef Ka Bidka Dowladda ee Halista Corona-virus Khatar intee Leeg Buu Ku Yeelan Karaa Bulshada? Faallo

Waa markii ugu horreysay ee ay Dowladda Somaliland xaqiijiso in Dalkeeda laga helay Kiisas Cudurka Corona-virus Covid-19 laga helay Dalkeeda, iyadoo ay jiraan Dad badan oo Dalka dibeddiisa ka soo noqday oo Dalka si aad ah u soo galay labadii toddobaad ee ugu dambeeyey.

Ku Dhawaaqistan Somaliland ku sheegtay inay heshay kiisaskii ugu horreeyey ee Covid-19 ah, ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii ay Dowladda Jabuuti sheegtay inay Dad Somaliland Diyaarad kaga soo degay, isla markaana gaadhi ka raacay Hargeysa ay Xadka labada dal wadaagaan ee Lawyo-caddo markii lagu baadhay ka heshay Cudurka Corona-virus Covid-19.

Xukuumadda Somaliland, ayaa aad loogu dhaleeceeyey inaanay masuuliyad iska saarin ilaalinta Shacabkeeda oo ay Xuduudeheeda, Cirka, Dhulka iyo Badduba weli furan yihiin, inkasta oo ay marar kala duwan sheegtay inay xidhay xuduudeheeda, haddana isu-socodka gudaha iyo dibedduba way u furan yihiin dalka.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Caafimaadka oo faahfaahinaya xaaladda labada Qof ee xanuunka laga helay:-

Somaliland oo Shaacisay inay Hayso Dad Covid-19 looga Shakiyey oo Natiijada Baadhistooda la Sugayo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.