Itoobiya oo Shaacisay inay Saddex Qof oo Cusub oo Qaba Covid19 Ka Heshay Gobolka Oromada

coronavirus covid19
coronavirus cocoronavirus covid19vid19

Addis Ababa(Aftahannews):- Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Itoobiya, ayaa shaacisay inay Saddex Qof oo cusub ka heshay Cudurka Dunida sida xawliga ah ugu faafay ee Corona-virus Covid-19, sida laga soo xigtay Warbaahinta Itoobiya.

coronavirus covid19
coronavirus cocoronavirus covid19vid19

Tirada Dadka Xanuunkaas laga helay Dalka Itoobiya ayey Saddexdan Qof ka dhigayaan 19 Ruux, sida ay caddaysay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya. Waxaanay intaas ku dartay in Saddexdan Qof ee Xanuunka Covid-19 laga helay Maanta, ayaa ah Dad u dhashay Itoobiya.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya mid ka mid ah Saddexda Qof ee laga helay fayraska Covid-19, ayaa mid ka mid ah oo da’diisu tahay 28 jir, ayaa soo maray Dalalka Biljam iyo Kamaruun 17 iyo 19-kii bishan Maarso 2020.

LOOGADA WASAARADDA CAAFIMAADKA ITOOBIYA
LOOGADA WASAARADDA CAAFIMAADKA ITOOBIYA

Hase-yeeshee, Labada qof ee kale ee Caabuqa Axadda maanta laga helay, ayey Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya sheegtay inay isku Qoys yihiin, kuwaas oo kala ah Wiil 14 jir ah iyo Haweenay 48 sano jir ah.

Labada Qof ee isku qoyska ah ee xanuunka laga helay, ayaa deggan magaaladda Adama oo ka tirsan gobolka Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya, isla markaana waxa la ogaaday markii sheekadooda dib loo raacay inuu xidhiidh dhex-maray iyaga iyo Qof ay isku magaalo yihiin oo maalmo ka hor laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19.

Tirada Dadka Dunida ee uu Xanuunka Covid-19 ku dhacay, ayaa maraysa 670,000 inta la caddeeyey, halka ay Dhimashadu kor u dhaaftay 31,000 inta la rikoodh-gareeyey, marka loo eego xogta ay faafinayaan Hay’adaha Caafimaadka iyo Jaamacadaha xog-ururinta ka sameeyey saamaynta Xanuunkan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.