Wasiir Oomar: “Soomaaliya iyo Somaliland Heshiis Baan Ku Nahay Soo Wareejinta Maamulka Hawada..”

WERIYE FARADHEERE IYO WASIIR OOMAAR 2020
WERIYE FARADHEERE IYO WASIIR OOMAAR 2020

Muqdisho(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar, ayaa sheegay inay Hawada Soomaaliya oo ay Somaliland-na qayb ka tahay maamusho Dowladda Federaalku.

WERIYE FARADHEERE IYO WASIIR OOMAAR 2020
WERIYE FARADHEERE IYO WASIIR OOMAAR 2020

Wasiir Oomaar oo u warramay Weriye Mohamed Abdi Osman Faradhere, ayaa ka jawaabay su’aal uu ka weydiiyey khilaafka dhinaca Maamulka hawada ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo Somaliland ku doodday inay hawadeeda gaar u maamusho oo aanay hoos tegin Dowladda Federaalka, balse Wasiir Oomaar, ayaa sheegay inay hawada maamulkeeda iyo soo wareejinteedaba ay heshiis ku yihiin Somaliland, isla markaana ay wax badan soo kordhisay intii hawada maamulkeeda ay Dowladda Soomaaliya la soo wareegtay, sida uu ku dooday.

Haddaba, Waraysiga uu Wariye Faradheere arrintaan iyo Qodobbo kale kaga Waraystay Wasiir Oomaar, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Weriye Maxamed Cabdi

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.