Paulo Dybala Oo Ka Warbixiyey Dhibaatada Xanuunka Coronavirus

Xiddiga Juventus ee Paulo Dybala ayaa ka hadlay dagaalka soo kabashada ee uu kula jiro xanuunka Coronavirus oo ku dhacay isaga iyo gacalisadiisa laba toddobaad ka hor, waxaana uu bannaanka keenay dhibaatadii badnayd ee soo gaadhay oo ay ka mid ahayd in ‘neefsigu ku adkaaday’.

Paulo Dybala ayaa noqday ciyaartii saddexaad ee ka tirsan Juventus ee uu ku dhacay Coronavirus toddobaadkii hore, waxaana ka horreeyey Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi, laakiin xiddigan reer Argentine waxa kale oo xanuunka la qaadday gacalisadiisa Oriana Sabatini oo ay waqtigan ku wada jiraan karantiil guri ku yaalla magaalada Turin.

26 jirkan oo toban maalmood oo ku jiray karantiilka, waxa waraysi uu bixiyey Arbacadii uu ku sheegay inuu hadda aad uga soo wanaagsanaanayo xanuunka oo uu muuqaalkiisa duleed sidii caadiga ahayd kusoo noqday, waxaanu faahfaahiyey calaamadihii lagu arkay xilligaas.

“Waxa iga muuqday calaamado xoog badan, laakiin maanta fiicnaan badan ayaan dareemayaa. Hadda si fiican ayaan u socon karayaa, waan lugayn karayaa, tababarkana waan isku dayi karayaa. Balse waqtigaas, waxa igu adkaatay inaan neefsado, shan daqiiqadood kaddib waxba maan qaban karaynin. Muruqyada ayaa i xanuunayay, nasiib wanaag, Oriana iyo aniguba hadda waanu fiicanahay.” Ayuu yidhi Paulo Dybala oo u warramayay barta YouTube-ka Juventus.

Dybala ayaa  Juventus sannadkii 2015 kaga soo biiray Palermo, waxaanu illaa  hadda u saftay 2016 ciyaarood, hase yeeshee waxa xagaagii tegay lala xidhiidhiyey bixitaan iyadoo kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ay ugu horreeyeen kuwa saxeexiisa ku dagaallamay, inkasta oo United ay ku dhowaatay inay shaaciso qandaraas uu qayb ka yaahy Romelu Lukaku oo dhinaca kale aadi lahaa.