Weriye Shiine Cilmi Kaahin oo Ka Warramay Saamaynta uu Turkiga ku yeeshay Covid-19 iyo Xaaladda Dad Xadka Giriigga Ku Xayiran

Istanbul(Aftahannews):- Iyada oo uu Dunida si xawli ah ugu sii faafayo Cudurka Dadka badan dilay ee Coronavirus Covid-19, ayaa dowladda Turkigu waxay waddaa dedaallo xooggan oo lagaga hortegayo faafitaanka Cudurkaas oo Dad ka badan illaa 1500 (kun iyo shan boqol) oo Qof ku dhacay, afartameeyo ruuxna ugu dhinteen xanuunkaas, ayaannu idiinka haynaa waraysi.

Cabdiqaadir Cilmi Kaahin (Shiine) oo ah Suxufi Madax-bannaan oo Soomaaliyeed, beryahanna degganaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa Bulsho TV-ga uga warramay sida ay xaaladdu tahay iyo fulinta amarrada dowladda sida ay Dadku ku yihiin, maaddaama oo ay Soomaali badani dalkaas ku nooshahay, kuwaasoo isugu jira Dad deggan, kuwo waxbarasho u jooga iyo kuwo caafimaad u joogaba.

Waxa kale oo uu Weriye Shiine Cilmi Kaahin ka warramay halka ay ku dambaysay xaaladda Dad Malaayiin Qof ahaa oo Qaxoonti ah oo dowladda Turkigu Yurub ku fasaxday bishii hore, isla markaana in badan oo ka mid ahi ku xayirnaayeen Xadka ay wadaagaan Dalalka Turkiga iyo Giriigga, halkaas oo ay Ciidammada Xuduudaha ee Giriiggu ku hortaagnaayeen Dadkaas.

Haddaba, Shiine Cilmi Kaahin oo arrimahaas iyo kuwo kaleba uga warramay Weriye Khadar Macallin Deeq oo ah Tifaftiraha Bulsho TV, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.