Somaliland: Xukuumadda oo Hadallo is-dhaaf ah Bulshada la hor timi iyo Wasiir Kashifay Qorshe Xumaantooda

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in aanay haba yaraatee wax awood ah u lahayn in ay wax kaga qabato haddiiba Ilaahay innaguma keenee uu Somaliland ka dillaaco cudurka dhibaatada badan wakhtigan dunida ku haya ee Koroona Fayrsan iyada oo xukuumaddu sheegtay in aanay lahayn awood iyo itaal ah wax kaga qabato cudurkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlayay dorraad kulan ay isugu yimaaddeen Guddida Farsamo ee la dagaalanka iyo ka hor tagga Caabuqa Halista badan ee Koroona Fayras iyo Warbaahintu ayaa si cad aan leexleexad lahayn waxa uu Shacabka Somaliland ugu sheegay in aanay marnaba xukuumaddu shacabkeeda been u sheegayn oo aanay awood iyo itaal dhaqaale toona u hayn la dagaalanka iyo wax ka qabashada Caabuqan halista badan dunida galiyay hadiiba Ilaahay innagu keenee uu dalkeena soo gaadho halka taa baddalkeeda Masuul sare oo ka tirsan isla xukuumadda Somaliland uu saxaafadda ka sheegay in ay xukuumaddu qalab iyo farsamoba diyaarsan tahay in ay baadhitaan kaga samayso Madaarka Hargeysa oo ay dadka soo galaya dalka baadhitaan ku samayn karaan.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ugu horrayn arrintan ka hadlayay waxa uu yidhi: “Waxba idinka qarin mayno, wax alla wax weyn oo xukuumaddu dhaqaalaha waddankana waa la ogyahay. Inta dawladdu qaban kartaa waa wax yar runta in la idiin sheego weeyi. Been in aannu idiin sheegno ma jeclin. Dawladdu waxa ay qaban kartaa waa wax tirsan oo xaddidan oo aad iyo aad u yar haddii uu xanuunkaasi dillaaco Ilaahay innaguma keenee. Sidaa darteed waxaannu idin leenahay farriimaha dhagaysta si aynu uga hor tagno oo aanay cidina ku dhibtoon oo aynu kaga badbaadno xanuunkan”.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo ay weheliyaan guddida farsamo ee ka hor tagga cudurka Karoona Fayras ee Somaliland oo kormeer ku soo maray Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay hawsha diyaar garawga cudurkan si wanaagsan u wadaan hawsha baadhitaannada dadka madaarka ka soo galaya.

Agaasimaha oo Madaarka kula hadlay warbaahintu waxa uu sheegay in ay qalab ahaan iyo farsamo ahaanba hawsha si wanaagsan u wataan oo ay aad u shaqaynayaan isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “Wasaaradda Caafimaadku maalmihii ugu dambeeyey waxa ay ku jirtay heegan ballaadhan waxaanan u kuur galaynaa sida shaqaalaha wasaaraddu uga hawl galayaan halkan ee ay dadka u baadhayaan. Waxa aannu la dardaarmaynay shaqaalaha iyo sidoo kale annaga oo eegaynay agabka ay ku shaqaynayaan iyo bal in ay u dhammays tiran yihiin waxyaabaha loo baahan yahay. Waxa aannu aragnay in guud ahaan hawshu si wanaagsan u socoto oo ay u shaqaynayaan. Waxaan shaqaalaha kula dardaarannay in ay hawsha sii laban laabaan oo dardar galiyaan oo ay baadhitaan ku sameeyaan qof walba oo madaarka ka soo dagaya oo ay eegaan xummadiisa. Oo ay eegaan xaaladdiisa oo ay si dhaw iyo si dheerba ula socdaan dadka ka imanaya dibadaha ee ka soo degata madaarka”.

Shacabka Somaliland ayaa walaac weyn ka qaba xaaladda caabuqan Karoona Fayras iyo cudurka uu dhaliyo ee Koofidh sagaal iyo Toban kaasi oo kiisas badan laga soo xaqiijiyay dalalka aynu jaarka nahay sida Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya oo hore u sheegtay in ay hal kiis hayaan illaa imika. Balse waxa ay shacabku ku diirsadeen go’aamadii shalay guddidan farsamo ka soo baxay oo haddii ay sidooda u dhaqan galaan wax badan faa’iido ah leh iyada oo dhinaca kale farriimaha wacyigelintu si wanaagsan u socdaan.

Xigasho Wargeyska Foore.