Soomaaliya oo Sheegtay inay Qofkii Labaad Ka Heshay Cudurka Corona-virus Covid-19

Muqdisho(aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay qofkii labaad ee Soomaali ah ka heshay Cudurka dunida ku faafay ee Corona-virus Covid-19, kaas oo ka mid ah Dad dalka dibeddiisa ka soo noqday oo ku jira Karantiin duleedka Muqdisho ku yaalla.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Foossiya Abiikar Nuur, oo Khamiistii maanta Shir Jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijisay in Qofkii labaad laga helay Caabuqa Covid-19.

“Waxaan rabaa inaan Soomaalida iyo Bulsho-weynta la wadaago, in xaalad kale oo Corona-virus ah laga helay Muwaaddin Soomaaliyeed oo waddanka yimi, muwaaddinkaa xaqiijintiisu xalay bay noo timi inuu cudurka qabo. Muwaaddinkaasi waa midaan lahayn oo calamaadihii cudurku aanay ka muuqan, markaa Illaahay waxaan ka beryaynaa inaanu Cudurku ku soo bixin.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Foosiya Abiikar Nuur.

Hase-yeeshee, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya may sheegin dalka uu ka yimi iyo goorta uu yimi toona qofka ay sheegtay in laga helay xanuunka. Balse, waxay sheegtay in Qofka xanuunkaas laga helay iyo Dadkii la socdayba ay ku jiraan Karantiin dowladdu ka samaysay Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya, ayaa Karantiin ka samaysay Muqdisho duleedkeeda, kaas oo lagu xareeyo Dadka dalka dibeddiisa ka soo laabta, iyadoo Dadka dhawaan la karantiimeeyey ay ku jiraan Saraakiil Ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsan oo lagu soo tabobbaray waddanka Talyaaniga oo ah Dalka labaad ee uu Cudurku aadka u saameeyey marka laga reebo Shiinaha oo uu ka bilaabmay.

Muuqaalkan hoose ka Daawo Wasiirka oo Kiiskaas iyo qodobbo kale ka hadlaysa:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.