Ha Is Cajabin: Qiso Qosol Badan Xambaarsan Iyo Wacdaraha

Hargeysa, (Aftahannews)-Waa shirkad aad u ballaadhan oo ay ka shaqaynayaan dad aad u fara

badani. Qofba meel buu ku mashquulsan yahay, qof walibana wuxuu la tacaalayaa hawl maalmeedkiisii. Waxaa ka mid ah dadka meesha ka shaqaynaya dadku ma sinee nin aad iskula wayn oo mar kasta isku arka inuu dadka kale ka qaalisan yahay kana muhiimsan yahay, ciddii shaqo kaga xidhanto wuxuu ugu jawaabaa isagoo iska dhigaya nin aad u mashquulsan ama uma jawaaboba.

Qofka fiicani waa qofka garta qaddarka naftiisa ama qiimaha ay leedahay. Isla waynidana Ilaahay baa iska leh. Ciddii kula muranta magaca Kibriyaa ee waynida Ilaah wuxuu wacad ku maray inuu dulleeyo.Maalmahaa waayohooda lehe maalin isagoo ninkan aadka iskula wayni xafiiskiisii fadhiya wax shaqo ahna aan hayn ayaa waxaa u soo galay nin ka mid ah shaqaalihii uu la shaqayn jiray.

Markii uu isha ku dhuftay qofka u soo galay ayuu iska dhigay sidii nin aad u mashquulsan oo telefoonkii line-ka ahaa ayuu soo jiitay oo sameecaddiisii dhegaha saaray, isaga oo iska dhigaya inuu la hadlayo meelo aad u fogfog oo ay kaga xidhan tahay arrimmo muhiim ahi, uuna xallinayo mashaakhil culus. Wuxuu gacanta kula hadlay ninkii shaqaalaha ahaa oo uu u ishaaray inuu fadhiisto oo uu sugo ilaa inta uu telefoonka dhammaysanayo.

Wuxuu hadlo oo isku kellifo hadal aad u badanba muddo ka dib ayuu telefoonkii dhigay oo uu ku yidhi ninkii u soo galay ee shaqaalaha ahaa: “saaxiib ii wad maxaad iga rabtay? Waad i aragtaa oo mar kasta waxaan ku mashquulsanahay telefoonno iyo arrimmo muhiim ah oo aad u qaali ah. Waxaan ahay qof aad u muhiim ah oo shaqo aad u muhiima ah haya.”

Waxaa se aad u yaab badan waxaa ninkii ugu jawaabay oo muxuu ku yidhi? “Telefoonkan line ka ah ee ku hor yaalay in muddo ah mana dirmayn mana soo dhacayn sidaas darteed waxaan u imid inaan hagaajiyo waayo wuu go’naa muddoba!” Yaab iyo amakaag.

Miyaanay ahayn arin aad u qosol badan inuu ninkii is cajibin jiray uu ku dhacay bohol wajigabax iyo fool xumo. Telefoonka uu ku hadlayey miyaanu ahayn ka go’ani ee ninkani uu doonayo inuu hagaajiyo?

Waxaa aynu ka faa’iidaysanaynaa qisadan in qofku haddii uu kibir galo xataa beentu u tahay wax sahlan. In qofku aanu noqon qof naftiisa u sheega been ama dadka kaleba ku maaweeliya beenta isaga oo ka doonaya magac iyo ha lagaa sheego.

Ogow in wershedda samaysa magacyada dadka ay tahay bin aadamka oo magicii ay kuugu yeedhaanba uu ku raacayo ha samaado ama ha xumaadee.

Isku soo duuduuboo waxaynu qisadan ka fahannay in qofku marnaba aanu xaqiiqada hor taalla qarin karin ha u qaato in dadka ay ka qarsoon tahay e.