Laba Horyaal Oo Laga Kansali Doonno Horyaalka Ingiriiska

Koobabka maxaliga ah ee FA Cup iyo Carabao Cup ayaa la qorsheynayaa in la kansalo xilli ciyaareedka danbe haddii Coronavirus uu dib u dhigis weyn ku sameeyo dhameystirka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Premier League ayaa kulan isagu imaanaya Khamiista soo socota iyadoo qorshaha uu yahay inay kawada hadlaan isbedelada lagu sameynayo sharciga muuqaal caawiyaha garsooraha VAR xilli ciyaareedka soo socda ee 2020-21.

Kulanka waxa uu noqon doonaa mid ay khadka muuqaalka uga soo qeybgeli doonaan madaxda kooxaha Premier League,.

Inkastoo looga hadli doono waqtiga iyo sida uu dib ugu bilaaban karo xilli ciyaareedka Premier League, hadana waxaa la filayaa in looga hadlo qodobo kale.

Qodobada kale ee looga hadli doono waxaa ka mid ah in si ku meel gaar ah loo kansalo FA Cup iyo Carabao Cup haddii jadwalka xilli ciyaareedka 2020-21 uu ciriiri noqdo.

Inta badan kooxaha ay taageersan qorshe ah in xilli ciyaareedkan la dhameystiro waqti walba oo ay qaadato islamarkaana hore laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub.

Kooxaha Premier League ayaa sidoo kale ka warqaba inay magdhow xoogan siin doonaan xiriirka kubada cagta Ingariiska oo soo qaban qaabiya FA Cup iyo xiriirka horyaalada hoose ee Ingariiska EFL oo soo qaban qaabiya Carabao Cup.