Golaha Wakiillada Oo La Isugu Yeedhay Fadhi Uu Madaxweyne

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa fadhi aan Caadi ahayn isugu yeedhay Xildhibaannada Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada oo Toddobaadkii hore loo fasaxay Cabsida laga qabo Xanuunka Coronavirus darteed, ayaa  Guddoomiye Baashe uu Shalay isugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn, sida ku cad Warqad uu Guddoomiyuhu ku saxeexan yahay oo Shalay Warbaahinta soo gaadhay.

Guddoomiye Baashe ayaa qoraalka yeedhmada ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Codsaday in fadhigan aan caadi ahayn ee Golaha Wakiillada, si loo ansixiyo Xubnaha cusub ee Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen Komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka.

“Mudaneyaal, markii aan arkay sida ku cad qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha JSL ee summaddiisu tahay JSL/XM/GW/081/-490/03202, ee ku taariikhaysan 22/03/2020, kuna saabsan fadhi aan caadi ahayn oo Madaxweynaha JSL soo jeediyey, sida ku cad qodobka Dastuuriga ah ee 46-aad, farqaddiisa 2-aad, Xariifkiisa (B).

Markaan tixgeliyey:- Qodobka 46-aad, Farqaddiisa 2-aad, Xariifkiisa (T) ee ka hadlaya kala-fadhiyada iyo habaynta Golaha Wakiillada, waxaan go’aamiyey in Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu  isugu yimaaddaan Kal-fadhi aan caadi ahayn Maalinta Sabtida ee bishu tahay 28/03/2020, iyadoo Golaha la horkeeni doono Xubnihii Komiishanka ee Xisbiyada Mucaaradka ah, si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah..” XIgasho Geeska Afrika