Puntland oo ka noqotay go’aan lagu xidhayo Masaajidada

Garoowe (Aftahannews) – Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay kasoo baxay guddiga ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus, kuwaas oo shaacisay in muddo labo tobadaad ah la xirayo goobaha cibaadada, sida masaajida.

Ka labaashada go’aankaan ayaa ka yimid kadib markii culimada Diinta ay arrintaan ku tilmaameen go’aan aan munaasib ahayn waqtigaan, iyagoo maamulka ugu baaqay in lala yimaado qorshe kale oo aan ahayn in goobaha lagu cibaadaysto la xidho.

Kulan dhexmaray culima’awdiinka iyo guddiga ayaa ugu dambayn lagu gaaray in maamulku ka laabto go’aankaas, balse waxaa la isku raacay in lasoo gaabiyo waqtiyada lagu cibaadaysto masaajida, in la xiro musqulaha kuyaala masaajida iyo in la joojiyo daruusaha diiniga ee masaajida lagu qabto.

wasiirka cadaalada Puntand, Cawil Sheikh Xaamud ayaa sheegay in xiritaanka masaajida ay noqondoonto tilaabooyinka ugu dmabeeya ee la qaadandoono, haddii cudurka uu soo gaaro Puntland.

Dhinaca kale, Puntland ayaa maanta duleedka magaalada Garowe ka furtay xarun lagu dawayndoono dadka uu soo rito cudurka Caronavirus.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.