Ayaan Cashuur Oo Eedaymo U Jeedisay Xukuumadda Muuse Biixi, Farriinna U Dirtay Shacabka

London, (Aftahannews)-Safiirkii horre ee dalka Somaliland u fadhiday dalka Ingiriiska Ayaan Cashuur, ayaa sheegtay in aanay xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa baadhitaan ah ku samaynin shacab ka soo degay maanta magaaladda Hargeysa. Islamarkaanna aan la dabbagelin.

Ex safiir Ayaan Cashuur ayaa sheegtay in dadka loo yimi si ilaaliyaan, dadka soo degaynaa is-xilqaaman.

Safiir Ayaan Cashuur waxay siddan ku baahisay baraheedda Bulshadda waxaannu u dhignaa qoraalkaasi siddan:-

“Aad ayaan uga xumahay dadkii maanta ka soo degay Airport Hargeysa in aan farriin la siin inay is karantiimeeyaan 14 casho, laga qorin details -kooda la daba galin. si wacana wax looga dhaadhicin.

Digniin: Dadka soo degay ha is xilqaamaan, dadka loo yimidna ha iska ilaaliyaan dadkan ilaa 2 todobaad. Europe iyo USA intii ay china daawanayeen ayuu cudurkii fiday. Afrika inta ay nala tirinayaan dadka yurub ku dhintay ayay gudcur ku waabariisan.”Ayay tidhi Ayaan Cashuur

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Madaxweyne Biixi sheegtay in la qabtay 16 qof. Islamarkaanna lagu karatiimeeyey goob loogu tallo galay.