Laba Ciyaartoy Oo La Afduubay, Xilli Laba Kalena Shil Ku Dhinteen

Weeraryahanka xulka qaranka Nigeria ee Dayo Ojo iyo laacibka kooxda Abia Coments ee Benjamin Iluyomade ayaa lagu afduubay waddankaas, xilli ay ku jireen safar baabuur oo ay marayeen waddada caanka ah ee Benin-Owo Express Road.

Labadan ciyaartoy ayaa dhexda loo galay, xili ay ku socdeen fasax ay kooxahoodu siiyeen ciyaartoygooda, si looga hor tago faafidda xanuunka Coronavirus ee dunida dadka badan ku laayay.

Afduubkan oo kusoo beegmay maalin dalkaasi baroor-diiq u samaynayo laba ciyaartoy oo ku geeriyooday shil baabuurkoodu kula galay isla waddada labadan ciyaartoy laga afduubay, ayaanay jirin cid sheegatay inay ka dambaysay afduubkooda, hase yeeshee kooxda Enyimba Football Club ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in rag hubaysan ay waddada Benin-Owo ka qafaasheen laacibkeeda khadka dhexe ee Ekundayo Ojo iyo Emanuel James oo uu wehelinayey Benjamin Iluyomade, taas  oo tirada ciyaartoyda la afduubay ka dhigaysa saddex.

Ojo ayaa xulka qaranka Nigeria kala qayb-galay Koobkii Qaramada Afrika ee 2018, sidoo kalena waxa uu usoo metelay dalkiisa heerarka kala duwan ee da’yarta illaa sannadkii 2010.