Indhoolihii Dhaqaalaha Sameeyay Iyo Mucjisaddii Ku Lammaanayd

Hargeysa, (Aftahannews)-Shirkad weyn oo iibisa joornaallada ama jaraa’idka ayaa mar qudha hoos u dhac balaadhani ku yimid dhaqaalihii shirkadda. Markii ay maamulkii shirkaddu dareemeen in uu hoos u dhac dhaqaale yimid ayay isku dayeen waxa sababay in
dhaqaalaha iyo macaamiishoodii oo hoos dhac ku yimi ay ogaadaan, muddo kaddibna waxay u direen arrintii khubaro si ay u  soo ogaadaan sababta. Khuburadii markii ay dabo-gal ballaadhan sameeyeen  waxay ku soo war celiyeen maamulkii shirkadda iyaga oo u sheegay in hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid ay tahay shaqaalaha iibiya jaraa’iddada in ay ku mashquulaan akhrinta joornaalka ee aanay waxbaba iibin. Dhammaan waxa loo wada yeedhay shaqaalihii shirkadda oo dhan waxaana la weydiiyey bal in ay talo keenaan lagaga hor tagaayo hoos u dhacan dhaqaale ee shirkadda ku yimid, sidoo kalena kor loogu soo qaado dhaqaalihii shirkadda.

Ugu horeyntii mid kamid ah shaqaale hoosaadkii shirkadda ayaa talo soo jeediyey isaga oo yidhi “Dhammaan shaqaalaha iibiya jaraa’iddada waa in indhaha laga ridaa!”, isaga oo sii raaciyey haddii ay indho beelaan in aanay waxba akhrin karin ee ay iibin doonaan uun joornaallada, maamulkii taladaas way soo dhaweeyeen, isla mid kale oo kamid ah shaqaale hoosaadka shirkadda ayaa soo jeediyey talo kale isaga oo yidhi “Yaynaan shaqaalaha indho tirin ee aynu shaqaale cusub qoronno oo indhooleyaal ah”.

Maamulkii shirkaddu markiiba waa ay u boggeen fikraddaas danbe waana ay ku dhaqaaqeen, isla muddo yar gudaheedna waxa kor u soo kacey dhaqaalihii shirkada waxa kale oo kordhey akhristayaashii jaraa’idka.