Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dad La Karantiimeeyey

 Hargeysa, (Aftahannews)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliladn Ayaa Codka Bariga Afrika TV. u xaqiijisay in ay maanta karantiimeysay 16 ilaa 17 qof oo ka yimi dalalka uu sida daran u sameeyey xanuunka Corona Virus.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in dadkaasi aan lagu arkin astaamaha xanuunka Covid-19, balse ay u karantiimeeyeen in la hubiyo badqabkooda, madama oo ay ka yimaadeen dalalka uu sida daran u saameeyey xanuunka Corona Virus.