Somaliland: Ardayda oo Hab Online ah wax lagu barri doono

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa sheegtay in ay ku hawlan tahay qorshe ay ku doonayaan in ay ku sii socoto waxbarashadii dugsiyada dalku ee loo fasaxay muddada 4 todobaad ah xanuunka Corona Virus awgeed.

Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa sheegay in ardayda dugsiyada waxbarasho ay mudadaasi Bisha ah casharadooda qaadan doonaan iyaga oo loo marinayo Internetka, telefeeshinada iyo idaacadda qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa sheegay in ay mihiim tahay in ardaydu u fahmaan fasaxa ay qaateen in aanu aheyn,  fasax la siiyey balse fursadd looga faa’ideysan karro qaab waxbarasho, kaas oo ka duwan nidaamkii hore, kana turjumaya wax is bari karro, macalin la’aan.

Waxaa kale oo uu wasiirku xusay in hirgelinta qorshaha ardayda lagu gaadhsiinayo inay sii wataan waxbarashadooda ay u adeegsan doonaan nidaam Technologyadda, isaga oo waalidiinta ubadka dhalay ugu baaqay inay carruurtooda u sameeyaan jadwal ay wax ku bartaan.

waxaana wasiirka masuuliyiinta kale ee wasaaradda waxbarashadu sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta wasaaradda waxbarashadda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ugu horeyn isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Sodonka cisho ee dugsiyaddii aynu xidhnay, ee aynu u xidhnay ILLAAHEY heynaga haye fursadaha, xannuunka Corona, hadii uu waddankeena soo gallo weli muu soo geline, maaha fasax, aynu qaadanay ee fursad aynu uga faa’ideysan karrno qaab waxbarasho, oo ka duwan kii hore ee ahaa macalin fasalka wax kuugu dhigaya.

Kaasi oo ah in ardaydu wax isbari karraan, keligii inta uu akhristo oo uu dadaalo, in waalidkii hadii uu helay fursado waxbarasho uu ka caawin karro oo wax u sharixi karro, ama walaaladii, cidii kale jaarka ehelka, marka nidaam cusub oo aynu wax ku baraneyno inuu yahay, inaga oo adeegsan doona technolojiyadda imika aynu heysano, sida ay inoo sharixi doonaan madaxda kale ee wasaaraddu”

Wasiirku waxaa uu waalidiinta  ubadka dhalay ugu baaqay  inay carruurtooda u sameeyaan jadwal ay wax ku bartaan “Waalidiiintana waxaan doonaya in aan fursaddan uga faa’ideysto oo aan idhaaho carruurta waxaa aad u sameysaan Jadwal iyo nidaam ay wax ku bartaan oo yaanay u arkin inay fasax yihiine, iskuulkii inay xiligiisi ku jiraan balse ay tahay inay iyagu naftooda waxbaraan oo waalidkood ku dabro”

Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa sheegay in qorshaha wasaaraddu wado ee ardaydu waxbarashadooda ay ku sii wadan karaan ay yihiin, habka casriga ah ee Technologyadda, Tv-yadda, iyo Idaacadda Qaranka ee Radio Hargeysa si loo gaadhsiiyo ardayda casharadii ka baqanlahaa mudada ay fasaxa ku jiraan.

Waxaa kale oo Axmed uu daboolka ka qaaday qorshaha ka  wasaaradd ahaan uga meelyala ardayda ku nool goobaha magaalooyinka ka fog ee aan isticmaalin aaladda Internetka iyo Telefishanadda “Qorshahan imika wasaaraddu ku dhawaaqday waxaa uu ahaa qorshe muddo dheerna soo socday mustaqbalka fogna loogu tallo galay, oo ay tahay waxbarashada dadka reer miyiga ah laftooda ama dadka ka fog meelaha magaalada ah in waxbarashadii ay hellaan, marka wasaaraddu in dhaweydba waxaa ay qorsheyneysay in la isticmaali karro Radiyowyo ku shaqqeeya cadceeda, in la heli karro Tablets ku shaqeeya cadceeda, Tv cadceeda lafteeda ku shaqeynaya, oo Solar la isticmaalayo si ay qofkasta waxbarashadii u gaadho”

 

Hoos ka daawo muuqaalka warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.