Taliyihii Ciidanka Booliska Afgooye oo la Dilay

Afgooye (Aftahannews)– Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

Goob joogayaal ayaa VOA-da u sheegay in Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Mursal Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qarax lala beegsaday.

Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo ka dhacay jidka isku xidha Afgooye iyo Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan miinooyinka ku aasa deegaankaas, isla markaana sheegta mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.

Taliyaha la dilay Dhamme Cabdulqaadir Cusmaan Mursal Nuunow ayaa in muddo ah soo hoggaaminayey ciidamada booliiska ee magaalada Afgooye.

 

XIGASHO; VOA