Faysal Cali Waraabe oo magacaabay xoghayaha golaha dhexe xisbiga UCID

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xoghaye cusub u Magacaabay Golaha dhexe ee Xisbigaasi, ka dib markii uu iscasilay Xoghayihii hore ee xisbigaasi, Jiir Cali Madoobe.

Guddoomiyaha UCID ayaa Xoghayaha cusub ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID u Magacaabay Masuul Magaciisu yahay Muxyadiin Cabdiraxmaan Cali.

Sidaana waxa lagu shaaciyey Wareegto uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.