Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay dowladda federalka inay fashilinayso gogosha uu dhigay Garoowe

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada Dowladda federaalka Soomaaliya kasoo yeedhay oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran. Xaliimo Yarey oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa soo dhoweysay sharciga doorashooyinka iyo guddiyada loo xilsaaray dhaqan galinta qaraarada iyo sharciga doorashooyinka, iyadoo ku tilmaamtay tilaabo taariikhi ah.

Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay hadal guddiga doorashada mid aanu u muuqan in sharci lagu taageerayay, balse ay u arkaan mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay.

“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen”ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Deni waxaa uu sheegay inay tahay tilaabadii labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradda dowladda federalku ku qabteen Garowe, sida uu hadal ka u dhigay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.