Golaha Wasiirrada Puntland Maxay Ka yidhaahdeen in Madaxweyne Deni Muqdisho u tegayo Wadahadal?

Garoowe (Aftahannews)- Golaha wasiirrada Maamulka Puntland, ayaa beeniyay in safar la sheegay in Madaxweyne Sicciid Cabdillaahi Deni ku tagayo magaalada Muqdisho, kaasoo la tilmaamay in uu yahay mid wadahadal uu kula soo galayo Madaxda dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay golaha wasiiraddu kula hadlayeen saxaafada, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu Muqdisho ku tagayo safar uu ugu gogol xaadhayo gogol dib u heshiineed oo ay dhigtay Puntland oo lagu dhameynayo khilaafka guud ee Soomaaliya.

Wasiirka, wuxuu sidoo kale iska fogeeyeen eedeymo ay usoo jeediyeen masuuliyiinta dowladda federalka ee ka qeyb galay shirka wadatshiga, kuwaas oo tilmaamay in warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Garowe loogu gafay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qeybtood.

Wuxuu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii wadashatiga inuu  ahaa war murtiyeed ay ku midaysnaayeen 1,800 ergo oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee Puntland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.