Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Waddamo Somaliland Ku Jirto

Addis Ababa (Aftahannews)- Diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa war cusub ka soo saartay liiska waddamada ay duulimaadyadooda joojiyeen iyo kuwa ay ilaa xilligan u furan tahay inay diyaaradahoodu ka shaqaynayaan ee aanay duullimaadyadoodu waxba iska beddelin ilaa xilligan.

Warka ay soo saartay diyaardda Ethiopian Airlines oo lagu baahiyey barta ay shirkaddu ku leedahay Internetka, ayaa lagu shaaciyey liiska dalalka caalamka ee xannibay duulimaadyada diyaaradda iyo dalalka ilaa xilligan ay madaarraddoodu furan yihiin, kuwaas oo ay ku jiraan dalalka Somaliland, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti.

Dalalka Caalamka ayaa intooda badan la xidhay madaarada diyaaraduhu ka soo degaan sababo la xidhiidha cabsida laga qabo cudurka COVID-19 oo si xawli ah ugu fidaya caalamka, iyadoo tallaabadan loo qaaday sidii loo xakamayn lahaa faafitaanka cudurkan.

Waddamada Ethiopia, Somalia, Kenya iyo Djibouti oo ay xuduud wadaagaan ama ganacsi ka dhexeeyo Somaliland, ayaa dhammaantood laga helay kiisaska Caabuqa CoronaVirus ee dhaliya cudurka Covid-19 oo ku dhaca hab-dhiska Neef-mareenka Bani’aadamka.

Warka ka soo baxay shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay inay furan yihiin garoomada diyaaradaha ee Somaliland isla markaana duulimaadyadii caadiga ahaa ee Somaliland ay sidoodii yihiin marka laga reebo safarrada diyaaradaha ka imanaya waddamada Kenya, Soomaaliya, China, Italy, Iran, France, South Korea iyo Spain oo oo xayiraad laga saaray inay ka soo degaan madaarrada Somaliland muddo 28 Maalmood ah oo ka bilaabmaysa Maalinta Khamiista ee 19-ka bisha March, 2020-ka.

Ethiopian Airlines, waxa ay sheegtay in Hawada Sare ee Somaliland Furan tahay isla markaana ay shaqaynayaan Madaarrada dalku, balse ay xayiran yihiin duullimaayada diyaaaradaha ka imanaya dalalka kor ku xusan.

Waxa kale oo ay shirkaddu warkeeda ku sheegtay inay xidhan yihiin dhammaan madaarrada dalka Soomaaliya muddo 15 maalmood ah oo ka bilaabmaysa Khamiista Berri iyadoo la joojiyey dhammaan duullimaadyada diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka qaada.

Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga Aafadda caabuqa CoronaVirus ee Somaliland, ayaa shalay soo saaray go’aamo lagaga hortagayo saamayn cudurkaasi ku yeesho bulshada, iyadoo la joojiyey duullimaadyada diyaaradaha ka imanaya dalalka xaaladoodu khatarta tahay sida China, Italy Iran, France, South Korea, Spain, Kiiniya iyo Soomaaliya muddo Afar todobaad ah. Balse waxa go’aanka guddiga lagu xusay inay dulimaadyada ka imanaya waddamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku la socon doonto xaaladda rakaabka ka imanaya iyadoo rakaabkaas baadhitaan dhammays tiran loogu samayn doono marka ay ka soo degaan garoomada diyaaradaha ee Somaliland.

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo ah shirkaddu ugu ballaadhan qaaradda Afrika xagga duulimaadyada ay isaga kala gooshto dalalka Caalamka, ayaa markii u horeysay duulimaadyada ka bilowday Somaliland sannadkii 2001-dii xilligaas oo diyaaraddu aanay bilaabin duulimaadyo tiro badan oo ay xilligan ugu duusho dalalka caalamka.