Booliiska Soomaaliya oo xiraya Laanta dambi baarista ee C.I.D

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqey in la xirayo Waaxda Faraha ee Xarunta Waaxda Hay’adda dambi baarista ee CID-DA sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in iyada oo la raacayo awaamiirta Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aadan ka taxadirka Caabuqa corona Beri laga bilaabo la xiray Waaxda Faraha ee CID.

Sababta waxa ay ku sheegtay in xaruntaan ay kamid tahay goobaha inta badan ay dadka isugu tagaan, maadaama Dowladda Soomaaliya ay soo saartay amar ka dhan ah Goobaha ay bulshada ku kulmaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilaawdey siyaabo looga hortegi karo Cudurka Coronavirus tan iyo markii qof qaba Cudurkaas oo ka yimid Shiinaha lagu qabtey Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho

W:Q:faradhere