Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Addis Ababa.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana xubnaha la socda kamid ah Wasiirka Gaadiidka iyo duullista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Wafdiga ayaa u safray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay in uu kulamo la yeelanayo Madaxda dalkaas.

Lama shaacin waxyaabaha ay sida rasmiga ah uga hadlayaan Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxda Itoobiya ee u safray  Magaalada Addis Ababa.