Tababare U Geeriyooday Coronavirus Iyo  Spain Oo Weji Kale Yeelatay

Tababare kubada cagta ah oo u dhashay dalka Spain oo lagu magacaabo Francis Garcia ayaa u geeriyooday caabuqa Coronavirus isagoo da’diisa ay aheyd kaliya 21 sanno jir.

Ninkaan da’da yar ayaa la shaqeynayay kooxda Malaga ka dhisan ee Atletico Portada Alta tan iyo 2016kii isagoo ahaa tababaraha kooxdooda da’da yar.

Ku dhawaad 300 qof ayaa u dhimatay caabuqa Coronavirus dalka Spain.

Garcia ayaa ahaa dhibanihii shanaad ee xanuunkaan ee gobolka Malaha laakiin waa qofkii ugu da’da yaraa ee u dhinta cudurka halka dadka kale ee geeriyooday ay da’ooda u dhaxeysay 70 ilaa 80 sanno jir.

Si kastaba, tababaraha Isbaanishka oo cusbitaalka la geeyay markii uu haleelay Coronavirus ayaa sidoo kale waxaa laga helay kansar.

Madaama uu qabay cudurka kansar waxay saameyn ku yeelatay awoodii uu kula dagaalami lahaa caabuqa. Dadka qaba xanuunada waa weyn ayuu halis weyn ku yahay Coronavirus.

Waxaa loo maleynayaa in Garcia uu yahay shaqsigii ugu da’da yaraa ee u dhinta Coronavirus, inkasyoo canug yar oo dhawaan la dhalay uu haleelay Coronavirus isbuucii la soo dhaafay dalka UK.

Kubada cagta Spain oo ay ku jirto La Liga ayaa hakad la geliyay si loo ilaaliyo fayowqabka ciyaartoyda, shaqaalaha kooxaha iyo taageerayaasha islamarkaana loo yareeyo faafida caabuqa dilaaga ah.