Tababarihii Xulka Qaranka Brazil Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

Xanuunka halista ah ee Covid-19 ayaa gaadhay waddanka Brazil, waxaana u jiifa oo laga helay tababaraha kooxda kubadda cagta Flamengto, Jorge Jesus, kaas oo uu xanuunkiisu soo baxay maalmo kaddib markii la ogaaday in Madaxweyne ku-xigeenka kooxdaas ee Mauricio Gomes de Mattos uu hayo Coronavirus.

Jorge Jesus oo Flamengto u qaaday Campeonato Brasileiro Serie A iyo Copa Libertadores xili ciyaareedkiisii u horreeyey, kaddib markii uu kaga soo biiray naadiga Al-Hilal, ayaa baadhitaano lagu sameeyey lagu ogaaday in COVID-19 laga helay, laakiin kooxdiisa ayaa waxay tilmaantay inay mar kale ku celin doonto baadhitaan.

Dhamaan ciyaartoyga kooxda Flamengo ayaa karantiil la geliyey, sidoo kalena shaqaalaha tababarka iyo maamulka sare ayaa ku jira dadka sida gaarka ah daryeelka caafimaad loogu fidinayo maadaama ay si dhow ugu xidhnaayeen Gomes de Mattos.

Weeraryahanka kooxaha reer Yurub eryanayaan ee Gabigol oo dhaliyey goolkii guusha u horseeday Flamengo ciyaartii finalka Copa Libertadores ay kaga qaadday River Plate ayaa ku jira ciyaaryahannada karantiilka ku jira, laakiin qoraal uu soo saaray ayuu tababaraha reer Portugal ugu rajeeyey caafimaad degdeg ah.