Tiradda Dhimashada Talyaaniga Ee Coron Oo Argagax Cusub Abuuray

Xogtii ugu danbaysay ee laga bixiyay dhibaatada uu dalka Talyaabiga ku hayo caabuqa coronavirus ayaa argagax kale aduunka ku abuurtay waxaana deeqo muhiim ah oo xanuunkan lagula tacaalayo bixiyay madax waynihii hore ee AC Milan ee Silvio Berlusconi.

Qoyska mulkiyada kooxda Juventus iska leh ee Agnelli family iyo Silvio Berlusconi ayuu mid kastaaba bixiyay 10 milyan euros si loogula tacaalo caabuqa coronavirus oo faro baas ku haya dalka Italy.

Silvio Berlusconi ayaa lacagta 10 ka milyan yuro ah ugu deegay gobolka ay musiibada coronavirus burburisay ee Lombardy oo ku yaal waqooyiga dalka Talyaaniga waxaana lacagtan lagu dhisayaa 400 goobaha gargaarka deg dega ah ee ICU-ga si xaalada coronavirus loola tacaalo.

Haddaba halkay maraysaa xogtii ugu danbaysay ee saamaynta coronavirus ee dalka Talyaanigu?

War laga soo saaray xaalada Talyaaniga ee coronavirus uu marayo maanta oo ay taariikhdu tahay March 17,2020 ayaa noqotay mid muujinaysa in corona virus uu Italy ku noqday mid aan aduunka kale oo dhan sidan u gumaadin.

Waxaa la xaqiijiyay in marka taariikhda maanta ee March 17 la eego ay dhimashada dadka Talyaaniga ee corona virus ay marayso 2,5603(laba kun, shan boqol iyo saddex qof oo dhimasho ah), waxaana ka sii xun in 24 kii saacadood ee ugu danbeeyay ay coronavirus dalka Talyaaniga ugu geeriyoodeen 345 qof.

Waxaa sidoo kale xogtan lagu shaaciyay in 2,060 (laba kun iyo lixdan qof oo kale) ay ku jiraan xaalad deg deg ah oo caafimaadkooda lala tacaalayo isla markaana ay halis ugu jiraan in ay geerida sii badin karaan.

Marka la qiimeeyay xaalada maanta ee Talyaaniga iyo sidii uu shalay ahaa, waxaa la xaqiijiyay in dadka cudurkan laga helay ay kordheen 2,989 kiis oo kale oo la ogaaday in ay caabuqan sidaan.

Waxaa intaa dheer in ilaa hadda ay Talyaaniga cudurka coronavirus ugu dhibtoonayaan 26,062 qof oo laga helay cudurkan  laakiin wali gobolka waqooyiga Talyaaniga ee Lombardy ayaa ah kan ugu liita ee uu coronavirus dhulka dhigtay.

Gobolka Lombardy ee uu Silvio Berlusconi ugu deeqay 10ka milyan euros waxaa ilaa hadda la xaqiijiyay in cudurka coronavirus uu asiibay 10,861 (toban kun, siddeed boqol iyo kow iyo lixdan qof), waxaana ilaa hadda gobolkan ku geeriyooday dad dhan 1,640 qof taas oo muujinaysa in dhimashada guud ee ah 2,503 in ay inta ugu badani tahay mid ka dhacday gobolkan.

 

Kiiskii ugu horeeyay ee coronavirus ayaa laga helay gobolka Lombardy markii ay taariikhdu ahayd February 24 laakiin muddadan yar kadib waxay noqotay goob geeridu ay joogto ka noqotay oo lagu kala yaacay.

Guud ahaan waxaa Talyaaniga baadhitaan lagu sameeyay 148,657 (boqol iyo siddeed iyo afartan kun, lix boqol iyo todoba iyo konton qof), waxaana la xaqiijiyay in cudurkan laga helay 31,506 qof oo baadhitaanka ilaa hadda lagu sameeyay.

Musiibad xogtani waxay argagax ku sii ridaysaa guud ahaan aduunka gaar ahaan wadanka Talyaaniga iyo dalalka Yurub ee jaarka la ah.