Somalia: Corona-Virus Covid-19 oo Qofkii Koowaad laga Helay iyo Dowladda oo Duullimaadyada Joojisay

Muqdisho(Aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay kiiskii ugu horreeyey cudurka Corona-virus Covid-19 laga diiwaangeliyey Muqdisho, kaasoo laga helay Muwaaddin Soomaaliyeed oo garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu karantiimeeyey.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Foosiya Abikar Nuur, ayaa Isniintii maanta sheegtay in qofkii ugu horreeyey Soomaaliya laga helay caabuqa dunida sida xawliga ah ugu fidaya ee Covid-19.

Waxay Wasiirka Caafimaadku sheegtay in Soomaaliga dalka gudihiisa lagaga helay cudurkaas oo Nin lagu karantiimeeyey goob ay dowladdu dadka uga diyaarisay garoonka diyaaradaha Aadan Cabulle ee magaalada Muqdisho, isla markaana baadhitaanno lagu sameeyey ka dib dhiiggiisa laga helay xanuunka.

Hase-ahaatee, waxay Wasiir Foosiya sheegtay in Ninkan cudurka laga helay iyo Dad kale oo Soomaaliyeed oo weli iyagu Karantiinka xaqiijinta xanuunka ku jiraa ay ka soo laabteen dalalka Corona-virus ka dillaacay. Waxaanay Wasiirka oo ka hadlaysay xaaladda qofka xanuunka laga helay siday tahay ay tidhi; “Qofka xanuunka laga helay hadda wuu fiican yahay oo jidhkiisa waxba kama muuqdaan.”

Geesta kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar, ayaa mar uu maanta la hadlay Warbaahinta dowladda Soomaaliya uu sheegay in dowladdu Federaalku ay joojisay dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga billaabo saqda dhexe 18-ka bishan March, iyagoo duullimaadyadaas caalamiga ah ee Soomaaliya iman jiray aanay iman karin muddo 15 maalmood ah.

Dalalka Soomaaliya la deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, ayaa Jimcihii dhawaa shaaciyey inay kiisaskii u horreeyey Cudurka Corona-virus ka heleen Dad ku nool Dalalkooda, gaar ahaan caasimadaha Nairobi iyo Addis Ababa, isla Isniintii maantana Dalka Tanzania, ayaa laga xaqiijiyey in kiisaska cudurka laga helay.

Xanuunka oo ka bilaabmay dalka China dhammaadkii sannadkii tegay uu si xawli ah dunida ugu faafay, ku dhawaad laba Boqol oo Kun oo Ruuxna saameeyey wax dhintay iyo wax noolba, waxaana is-taagay inta badan isu socodkii dunida, shaqooyinka, waxbarashada dalal badan oo dunida ah, waxaanu fayraskani sababay hoos u dhac dhaqaale oo dunida oo dhan saamayn ku leh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.