Warbaahin Caalami ah oo Qortay Qormo Ciwaan Looga Dhigay; “Somaliland Siyaasadda lidka Ku ah Maalgashiga..”

MADAXWEYNE BIIXI IYO LABADA GOLE BAARLAMAAN EE SOMALILAND 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO LABADA GOLE BAARLAMAAN EE SOMALILAND 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Warbaahinta dunida qaarkamid ah ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray talaabo xukuumada Somaliland ku laashay heshiish maalgashi oo ay kula jirtay shirkada somcable mudo 25sano, balse golaha wakiilada oo iyagu horeumeel mariyay heshiishkaasi ay waxka badal ugu sameeyeen xeerka isgaadhsiinta kaasi oo ay ku buriyeen Heshiishkii, talaabadaasi oo dhaawac iyo kalsooni daro ku keentay Somaliland in ay maalgashadayaashu aamini karaan dalka.

MADAXWEYNE BIIXI IYO LABADA GOLE BAARLAMAAN EE SOMALILAND 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO LABADA GOLE BAARLAMAAN EE SOMALILAND 2020

Warbixin faallo ah Oo lagu Daabacay website-ka telefishanka Citizen ee dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in sumacaddii Somaliland iyo horumarkeedii dhaqaale raadkoodii dib u raaceen oo ay Somaliland hoos u Noqotay.

HALKAN KA AKHRI WARBIXINTAN DHAMAYSTIRAN LANA TURJUMAY AF SOMALI;

Somaliland oo ah dal aan la aqoonsanayn hase yeeshee ah xaqiiqo jirta oo mudoba ictiraaf caalami ah raadinayey laguna amaanay hanaanka dimuqraadiyeynta iyo dhaqaalaha ku dhisan suuqa xorta ah ayaad haatan mooddaa in ay raadkeedii dib u raacday, taas oo keeni karta in ay ku weydo fursado maalgashi oo ay heli lahayd. Aragtidan waxa qaba khubarada sharciga iyo kuwa siyaasadda oo rumaysan in wax ka badelkii la meel mariyey ee Xeerka Isgaadhsiintu dhaawacay sumacadii dalkaas.

 

Khubarada siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa rumaysan in natiijada taban ee arintaasi durba si muuqata dibada ugu soo baxday maadaama oo warbixin uu dhawaan qoray wargeyska ka soo baxa dalka Ethiopia ee la yidhaa Capital qoray war cadaynaya in Ethiopia hakisay dhaqan galka saamigii ay ku lahayd heshiiska saddex geesoodka ah ee horumarinta dekadda Berbera ee ay la gashay Somaliland iyo DP World.

Somaliland waa dal yar oo aan galaangal u lahayn hay’adaha maaliyadeed ee adduunka iska daa xataa maalgashi dibadeed oo uu helee. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadana shirkado gobolka iyo caalamkaba laga leeyahay u badheedheen khatarta ah in ay hantidooda geliyaan dal aan dunidu aqoonsanayn, waxaanay natiijadii noqotay in Somaliland warbaahinta caalamku muddo hadal hayso oo ay ku ammaanto in ay tahay dal istiraatiji ah oo diyaar u ah inuu dunida wax la qabsado.

Waxay Somaliland heshiis maal gashi oo igmasho ah la gashay shirkadda Som-Cable oo ay fursad u siisay in ay maal galiso internet-ka Fiber Optic-ga iyo in ay dhisto kaabeyaasha meel marinta internet-kaa xawaarihiisu dheereeyo oo si sahlan oo jaban ay ku heli karaan shacabka dalkeedu.

Heshiiskaas waxa loo arkayey in uu ahaa fursad maalgashi oo weyn, si damaanad iyo kalsooni buuxda loo siiyo shirkaddaa hantideeda galinaysay Somaliland oo loo ilaaliyo hantideeda, ayaa xukuumaddii markaa talada haysay waxay hor geysay heshiikaa baarlamanka oo aqlabiyad ku ansixiyey.

Heshiiskaasi waxa kale oo uu Somaliland u fududeeyey in ay ku dhiirrato in ay dalka u soo jiido shirkado maal gashan kara. Dubai Ports World oo ah shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka oo maamusha dekado badan oo dunida ku yaal, ayaa aqbashay in ay boqol milyan iyo dheeraad doolar ku maal gashato dekadda Berbera ee Somaliland.

Hase yeeshee si lama filaan ah ayaa xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedisay in wax laga bedelo Xeerka Isgaadhsiinta waxaan isla 7 Maarij ay baarlamanku si buuxda u meel mariyeen wax ka bedelkaas oo marmarsiiyo sharci oo ay heshiisyadii maalgashi ee ay hore u gashay kaga noqon karto siin kara xukuumadda. Isla maalin ka dib ayaa hadana golaha guurtidu isna ansixiyey soo jeedintii xukuumadda, arintaas oo dadka siyaasadda lafa gura ee dalkaasi sheegeen in ay ahayd talaabo ay dabada ka riixayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumaadda oo doonaya in ay lacag ka helaan shirkado ula diyaar ah in ay saamiyo laaluush ah siiyaan.

Mashaqadan iyo saamaynta mustaqbalka dheer ee ay ku yeelan doonto Somaliland way cad yihiin, hase yeeshee xukuumadda haatan talada haysaa isha ayay ka lalinaysaa arintaa. Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonyahay shirkadda DP World ayaa durba hakisay mashaariicdii halbowlaha u haa heshiiskaa lala galay maadaama oo aanay xukuumaddu wax tixgelin ah u haynin sharciyada dalka iyo heshiisyada ay la gashay maalgashadeyaasha. Arintantaasina waxay dhaawacaysaa sumcaddii Somaliland iyo is aaminaadii beesha caalamka ee sannadaha badan la soo dhisayey.

Waxa intaaba ka sii darani waa in qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanku ay si cad ugu hanjabeen in ay sharciyada maalgashiga ee dalka dib u eegi doonaan si ay xukuumadda ugu fududaato in ay tallaabo tan oo kale ah ka qaado shirkadaha kale ee heshiisyada gaarka ah lala galay, taas oo khubarada siyaadaddu u arkeen in ay ahayd weerar cad oo lagu qaadi doono shirkadda DP World.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.