Xukuumadda Oo Heegan Gelisay Xarumaha Caafimaadka Ee Ku teedsan Xuduudka Itoobiya

Gabiley(Aftahannews/Dawan)-Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolkaasi, ayaa maalintii Sabtida shir isugu yeedhay Guddida ka hortaga cudurka Corona Virus heer gobol , kaddib markii maalmihii la soo dhaafay dalka Itoobiya lagu arkay Kiisaska cudurkaasi ah oo sii kordhaya.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Badhasaabka, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa foojignaanta xakameynta cudurkaasi, sidii looga gaashaaman in uu dalka u soo gudbo, maadaama Gobolka gabiley xuduud la leeyahay Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley iyo Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolkaasi oo kulankaasi hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in diyaar-garowga heer gobol ee cudurkaasi meel fiican marayso, lana sii dardar gelinayo, wacyi-gelinta iyo howsha goobaha dalka looga soo gudbo ee Itoobiya.

Masuuliyiintan ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in lala socdo qorshaha qaranka ee ka hortaga cudurkan, waxaanay intaasi raaciyeen in ay bulshadu u dhego-nuglaato farriimaha wacyi-gelinta cudurkan.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Xaaji Cismaan, oo shirkaasi guddoominayey, ayaa xubnaha guddida faray in ay laba jibaaraan shaqada ay hayaan, lana socdaan xaaladaha bulshada mar walba. “waxa loo baahan yahay in ay gacmo wada jir ah ku shaqayno, gobol ahaana waanu idin garab joognaa”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo intaasi ku daray in dhinaca kale la xoojiyo wacyi-gelinta bulshada ee gudaha.

Geesta kale, isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Gabiley Dr. Muxumed Askar oo shirkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka hortaga cudurkan si weyn ugu diyaar-garoobeen Wasaarad ahaan.
“Diyaar-garowgayagu aadbuu u fiican yahay. Xuduudka wajaale waxaanu dhignay Koox qalabaysan oo halkaas dadka soo gelaya ku baadhaya, waxaanay haystaan qalabkii lagu ogaanayey xumadda qofka”ayuu yidhi u sheegay Dawan.

Dr. Askar oo Axadii shalay Wargeyska Dawan ugu waramay khadka Telefoonka, ayaa sheegay in maalin walba dad tiradoodu ka badan tahay Konton qof oo dalka soo gelaya lagu baadho xarunta xakameynta Corona Virus ee laga sameeyey magaalada Wajaale, dhan kalena xafiiskiisu uu heegan la geliyey guud ahaan shaqaalaha iyo maamuleyaasha xarumaha caafimaad ee ku yaalla degmooyinka Alley-baday, Geed-balaadh iyo tuulooyin kale ee ku teedsan xuduuda Itoobiya.

Isuduwe Askar, waxa uu tilmaamay in Kiisaska cudurkan ee laga helay dalka Itoobiya sii xoojisay foojignaanta ay qabaan “waxaan kormeer ku soo maray guud ahaan deegaamada xadka ku yaalla oo aanu howl-wadeenada caafimaadka ee joogga ku amarnay in ay baadhaan qof kasta oo dalka soo gelaya oo ka soo gelaya dhanka Itoobiya. waxaana howshaas kala shaqaynaya Ciidanka Booliska iyo madaxda Degmooyinka oo aanu ku balaminay”ayuu raaciyey.
“Dadka maalin walba lagu baadho xarunta Wajaale way kala duwan yihiin oo maalinba waa si laakiinse celcelis ahaan.. waxay noqonayaan ilaa 50 Qof”ayuu yidhi mar uu ka waramayey tirada dadka lagu baadho goobta ay ka sameeyeen magaalada xuduuda ku taalla ee Wajaale, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “ma jiro ilaa hadda wax Kiis ah oo la qabtay iyo cid laga shakiyey oo aanu aragnay, balse waxaynu doonaynaa in aanu cudurkaasi dalkeena u soo gudbin”.

Xukuumadda Somaliland ayaa xoojisay qorsheyaasha lagaga hortegayo cudurka Covid19, kaddib markii dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay laga helay Kiisas la xidhiidha cudurkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Sabtidii magacaabay guddi heer qaran ah loo xilsaaray xakameynta cudurka Corona Virus, iyadoo ay geesta kalena socdaan dedaallada wasaaradda Caafimaadku bulshada kaga wacyi-gelinayso foojignaanta cudurkaasi.