Madaxweyne Dani oo Sharraxay Waxa Puntland Ka Qaldan, Madaxda Federaalkana Eedayn u Jeediyey

SHIRKA WADA-TASHIGA PUNTLAND 2020 IYO MASUULIYIINTA PUNTLAND UGU SARRAYSA 2020.jpg
SHIRKA WADA-TASHIGA PUNTLAND 2020 IYO MASUULIYIINTA PUNTLAND UGU SARRAYSA 2020.jpg

Garoowe(aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa Shirka Wada-tashiga Maamulkaas ee uu hore ugu baaqay maanta ka furay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

SHIRKA WADA-TASHIGA PUNTLAND 2020 IYO MASUULIYIINTA PUNTLAND UGU SARRAYSA 2020.jpg
SHIRKA WADA-TASHIGA PUNTLAND 2020 IYO MASUULIYIINTA PUNTLAND UGU SARRAYSA 2020.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkan oo ujeeddadiisu lagu sheegay inay tahay in lagu falanqeeyo doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya ee mustaqbalka, waxaana ka qaybgalay illaa Kun iyo Shan Boqol oo Ergay oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed, Odayaal iyo Marti-sharaf kale.

Shirkaas uu furay Madaxweyne Dani oo ay Xubno kalena hadallado ka jeediyeen, ayaa Khudbaddiisii furitaanka kaga hadlay arrimo badan oo kala duwan, waxaanu Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay ka leexdeen hadafkii iyo himiladii ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dastuur jabin iyo ku tumasho sharci sameeyen, burburin iyo farogelin sharci-darro ahna ay ku hayaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, sida uu ku dooday Dani.

“Burburinta, farogelinta, afduubka iyo cabbudhinta sharci-darrada ah ee lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah waxay halis ku tahay nidaamka dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaan ahmiyad la siin arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreeyaan dhammeystirka Dastuurka, la dagaallanka aragaggxisada, dhismaha Ciidan leh sumcad Qaran iyo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta.” ayuu yidhi Dani.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray; “Taasoo loo marayo wadda toosan oo heshiis lagu wada yahay, waxaana la sameystay sharciyo dana gaar ah laga leeyahay oo aan waafaqsaneyn Dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee Federaalka Soomaaliya, tashina aan lagala sameyn Maamullada dalka ee federaalka Xubnaha ka ah.”

Waxa uu Madaxweyne Dani sheegay inaanay necbayn dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxdeeda, hase-yeeshee, aanay aqbalayn awood sheegasho, faro-gelin, wax qabasho la’aan, sharci-darro iyo cabbudhin toona, taa beddelkeedana ay ugu baaqayaan Madaxda Dowladda dhexe inay Sharciga ku dhaqmaan, kana shaqeeyaan hadafka iyo himilada ummadda Soomaaliyeed u igmatay ee ay hoggaanka ku yihiin, sharcigana ilaaliyaan.

Madaxweynaha Puntland, waxa uu sheegay in jiraan wax ka qabyo ah Puntland oo ay ka mid yihiin doorasho cod iyo qof ah oo aan weli ka qabsoomin, gacan ku wada qabashada deegaannadeeda oo aanay wada gaadhin xuduudaha iyo qodobbo kale, waxaanu soo jeediyey inay waxyaabahaasi yihiin qodobbada laga rabo in shirkan xal loogu helo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.