Gabadh 11 Jir ah oo Hooyadeed iyo Adeerkeed lagu eedeeyey inay Dileen oo La Aasay iyo Dhinacyo ka Hadlay

Dhuusamareeb (aftahannews):- Ikraan Mire Xaashi oo ahayd Gabadh yar oo 11 sano jir ah, ayaa lagu aasay Xabaalaha Millateriga ee magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, ka dib markii ay Hooyadeed iyo Adeerkeed oo Hooyadeed qabay si arxan-darro ah u dileen sida ay sheegeen ehelada iyo Booliska Dhuusamareeb.

Deegaanka dilku ka dhacay Sabtidii shalay, ayaa la yidhaahdaa Jiic-aloosin oo Dhuusamareeb dhinaca Waqooyi kaga beeegan illaa 45-KM, waxaanay Ciidanka Booliska Dhuusamareeb gacanta ku soo dhigeen labada qof ee dilka gabadhaas yar ku eedaysan, iyagoo Dadkaas, Meydka Gabadha yar iyo Caddaymo ay goobta dilku ka dhacay ka heleen Boolisku geeyey xalay magaalada Dhuusamareeb oo Meydkana lagu aasay Axaddii Maanta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug, ayaa Warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb maanta, ayaa sheegay inay xalay saqdii dhexe tageen deegaanka dilku ka dhacay Sabtidii shalay, isla markaana ay soo xaqiijiyeen sida dilkaasi u dhacay, isla markaana soo heleen caddaymo ay ka mid yihiin Xijaabkii ay Gabadha yari xidhnayd iyo hadhaadi timeheeda ka go’ay markii ay garaacayeen Dadka qoyskeeda ee dilkeeda ku eedaysan.

Aabbaha Dhalay Gabadha yar ee la dilay Mire Xaashi, ayaa Ciidanka Ammaanka uga mahad-celiyey hawlgalka ay ku soo qabteen Dadkaas, waxaanu ku baaqay inuu u baahan yahay in Tacaddiga ku dhacay Gabadhiisa hab sharci iyo nidaam cadaaladeed lagu dhammeeyo oo Dadka dilkaasi ku caddaado sharciga la hor-geeyo.

Warkaas naxdinta iyo murugada leh oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.