Midowga Yurub oo warbixin ka soo saaray xaaladda Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Midowga Yurub ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxayn sheegeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee dhowaan la geeyay gobolka gedo ay abuureen daganaansho la’aan iyo barakac ballaadhan.

Midowga Yurub wuxuu ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya hantidii iyo feejignaantii milatari ee la rabay in lagu wajaho howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda labada gobol ee shabbeele in loo leexiyay meel kale.

Wuxuu sheegay Midowga Yurub in wadashaqeyn buuxda loo baahan yahay in ay dhexmarto dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah federaalka iyo sidoo kale wadashaqeynta gobolka.

Waxa uu tilmaamay in Xalka ugu dambeeya uu yahay, in la dhiso ciidamada isku dhafka ah ee amniga Soomaaliya iyo in la abuuro jawi deggan oo awood u siinaya dhismaha dowladnimada iyo horumarka.

“Dhammaan dhinacyada ay khusayso waa inay sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaanka u ah inay yareeyaan xiisadahooda, is xakameeyaan, xushmeeyaan xuduudaha iyo raadinta xasilooni nabadeed oo dhexdooda ah,” ayuu yidhi midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo xuduud wadaag ah. Wuxuu kaloo soo dhoweeyay xidhiidhkii dhowaan dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya 5tii march.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.