WHO oo Shaacisay in Dalalka Qaaradda Yurub noqdeen Xuddunta Cudurka Corona-virus Covid-19

Geneva (aftahannews):- Qaaradda Yurub ayaa noqotay Xudunta Cusub ee faafitaanka Cudurka COVID-19 iyadoo kiisaska laga soo tabinayo dalka Shiinuhu ay hoos u sii dhacayaan, isla markaana cudurka dilaaga ahi ka dilaacay Talyaaniga iyo waddamada ku dhow, sida ay Jimcihii sheegeen mas’uuliyiinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus

Saraakiisha WHO ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in cudurka COVID-19 yahay masiibo caalami ah maadaama caabuqa coronavirus si xawli ah ugu faafayo adduunka oo dhan laga soo bilaabo Eeshiya ilaa Yurub, Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Maraykanka iyo qaaradda Afrika.

“Kiisas badan ayaa laga soo tabiyaa Yurub maalin walba marka loo eego intii laga soo tebinayay markii uu faafistiisu halka u sarreysa ka gaadhay Shiinaha,” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva oo ah Xarunta Guud ee WHO.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub, ayaa walaac xooggan ka muujiyey saamayn uu cudurkani yeeshay iyo sida ay u adagtahay in xilligan laga helo daawooyin xakamayn kara fiditaanka cudurka oo xilligan faro-baas ku haya qaaradda Yurub.

“Marka Fayrasku jiro, dadkuna aanay haysan wax difaac ah, wax daawo ahna aan loo haynin, markaa filo in 60% ilaa 70% shacabka uu ku dhici doono,” sidaa waxa tidhi hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel oo arrintan kaga hadashay shir-jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Berlin.

Dalka Talyaaniga ayaa xilligan ugu badan kiisaska la xaqiijiyey marka laga yimaaddo Shiinaha, iyadoo laga soo tabiyey ugu yaraan 15,113 ruux oo qaba cudurka Covid-19, waxa ku xiga dalka Spain oo 4,334 ah, Jarmalka oo 3,156 qof laga helay iyo Faransiiska oo 2,882 qof la xaqiijiyey, sida lagu xusay xog-ururin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins. Sida warbixintu sheegtay, waddamada kale ee qaaradda Yurub ee kiisaska ugu badan laga helay waxa ka mid ah Switzerland oo 1,125 kiis ah, waxa ku xiga Sweden 809 kiis, Netherlands 804 qof iyo Denmark oo cudurka laga helay 788 qof.

Sida ay sheegtay warbixintan oo Jimcihii soo baxday, dalka Maraykanka ayaa xilligan maraya 1,701 kiis. Madaxweynaha dalkaas, ayaa todobaadka horaantiisii shaaciyey in gebi ahaanba la xannibay socdaalka dadka ka tagaya qaaradda Yurub, in kasta oo go’aankan laga reebay dhowr waddan oo Ingiriisku ka mid yahay.

Caabuqa CoronaVirus ayaa ka soo bilaabmay gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha saddex bilood ka hor, waxaanu ku faafay 132,000 oo qof oo ku kala nool 123 waddan oo adduunka ah, iyadoo ay u dhinteen 5,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha WHO.

Somalilandpost.net.