Somaliland oo Joojisay Fiisaha Dadka Itoobiya ka imanaya, Shacabkeeda Dalkaas Joogana u Digniin u dirtay

Hargeysa/ Addis Ababa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa joojisay Dal-ku-galka la siin jiray Dadka ka imanaya Dalka Itoobiya, ka dib markii ay Dowladda Itoobiya jimcihii si rasmi ah u shaacisay in Kiiskii ugu horreeyey ee Corona-virus Covid-19 laga helay  Qof ajaanib ah oo magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Wasiirka Caafimaadka Federaalka Itoobiya, ayaa shaacisay in qofkii u horreeyey dalkeeda laga helay caabuqa Corona-virus, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Duqa Caasimadda Addis Ababa Takele Uma Banti, ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Muwaaddin dalka Jaban u dhashay laga helay oo joogay Addis Ababa.

Sidaa daraaddeed, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Faysbuug gelinkii dambe ee Jimcaha, kaga hadlay tallaabada ay qaadayaan iyo waxay kula talinayaan Dadka Reer Somaliland ee Itoobiya ku nool.

Qoraalka uu Safiir Barkhad ku baahiyey Bartiisa Facebook, waxa uu u dhignaa sidan:- “Dalka Itoobiya, qofkii u horreeyay baa laga helay cudurka #COVID19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Dhammaan muwaadiniinta JSL ee ku sugan Itoobiya waxa la gudboon inay raacaan hannaanka iyo habka caafimaad ee loo dejiyay, dawladda Itoobiya na ay dadka farayso in la raaco.

Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Safiir Ku-xigeenka Dowladda Somaliland ee Itoobiya.

Dowladda Itoobiya, ayaa ah dalka koowaad ee xidhiidhka ugu badani ka dhexeeyo Somaliland, iyadoo Dadka labada Dal si aad ah isugu socdo, isla markaana gacansiga badan ayaa Somaliland uga yimaadda Itoobiya, sida Quduurta kala duwan, Qaadka iyo Ganacsiyo kale.

Cudurkan oo dhammaadka sannadkii 2019 ka bilaabmay Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ayaa si xawli ah ugu faafay Dalal badan oo Qaaradaha Dunida ku kala yaal,

Wakalaadda wararka ee Reuters ayaa warisay in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian uu bartiisa Twiter-ka ku qoray in milateriga Mareykanka laga yaabo in xanuunka corona ay geeyeen magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay xanuunka, saameynta ugu bandanna uu ku yeeshay.

“Waxaa laga yaabaa in ciidmaada Mareykanka ay xanuunkaasi safmarka ah geeyeen Wuhan, warkiinu ha cadaado, waxaana Mareykanka ka sugeynaa fahfaahin ku aadan arrinta” ayuu Zhao ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aaday xilli safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Mr Songtian uu sheegay in xanuunka uu ka bilawday dalka shiinaha balse taas aysan ka dhigneyn in xanuunkas markiisi hore ka bilawday dalkaas.

Ilaa iyo hadda ma jira wax war oo ku aadan arrintaas oo ka so baxay Dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale aan la ogeyn sida ay suurtagal u noqon karto in ciidanka Mareykanka ay xanuunkaas ay geeyaan Wuhan iyo sababta, maadaama aysan kamid ah ahayn dalka Mareykanka.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maalma kahor ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo Saf-mar ah oo caalami ah.WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan, iasagoo hadda ku fiday inta badan dalalka caalamka.

Cudurka Corona-Virus Covid-19, ayaa ku baahay illaa 114 Dal oo Dunida ah, waxaanu Ku Dhacay 118,000,  oo Qof, halka ay u dhinteen in ka badan 4,200 Qof, waxaanu saameeyey Xanuunkani isu socodka Dunida, Meheradaha Ganacsiga oo inta badan la xidhay Dalalka uu aadka uga dillaacay, taas oo sababtay hoos u dhac wayn oo dhaqaale oo Dunida soo food-saaray.

Muuqaal-dhegaysigan Hoose kaga Bogo Warkan oo dhammaystiran:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.