Kooxda Man.United Oo Garoon Madhan Ku Xasuuqday Kooxda LASK

Manchester United ayaa gumaad wayn u gaysatay kooxda ay garoonka madhan kula soo ciyaartay ee LASK kulankii lugta hore ee wareega 16ka Europa League, waxayna United haddaba labada lugoodba la sii gashay siddeed dhamaadka Europa League.

Manchester United ayaa 5-0 ku xasuuqday kooxda LASK waxaana United guusha wayn ku soo hogaamiyay shanta ciyaartoy ee kala ah Odion Ighalo,  Daniel James, Juan Mata, Mason Greenwood iyo Andreas Pereira.

Manchester United ayaa markii taariikhda kooxdeeda ugu horaysay waxay kulan ku ciyaartay garoon taageera la’aan ah oo ay albaabadu u xidhan yihiin iyada oo cudurka corona virus uu sabab u noqday in wiilasha Solskjaer ay garoon madhan ku ciyaareen.

Manchester United waxaa goolka furitaanka daqiiqadii 28 aad u saxeexay Odion Ighalo kaas oo gool cajiib ah ku jabiyay iska caabintii kooxda LASK laakiin United ayaa dhibaatada ugu badan kooxdan gaadhsiisay qaybtii danbe ee ciyaarta.

Daniel James oo muddo dheer ka qatanaa gool dhalinta kooxdiisa Manchester United ayaa goolka labaad dhaliyay daqiiqadii 58 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta si uu Red Devils u siiyo kalsooni buuxda.

Balse Manchester United ayaa ciyaarta si rasmi ah u dishay daqiiqadii 82 aad markaas oo uu Juan Mata dhaliyay goolka saddexaad ee ay United sida dhabta ah ugu khaarajisay LASK.

Manchester United ayaa ceebta kooxda martida loo ahaa ee LASK sii xumaysay kadib markii uu da’yarka Mason Greenwood goolka afraad dhaliyay daqiiqadii 91- aad ee dhamaadkii ciyaarta.

Iyada oo la moodayo in Manchester United ay guul ku gaadhayso 4-0 ayay haddana sii wadeen gool dhalinta daadka ah ee ay kulankan ka sameeyeen waxaana goolka shanaad raaciyay Andreas Pereira.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-0 ay shan ciyaartoy oo Manchester United ahi guul wayn ugu soo hogaamiyeen Man United oo ayna shaqo ku sugayn Old Trafford maadaama oo ay hawsha iska sii hor qabteen.