Xukuumadda Somaliland Oo Guddi U Magacowday Shaqo La’aanta Dalka

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta Shir guddoominayey shirka todobaadlaha ah ee Golahiisa wasiirada, ayaa Guddi cusub u magacaabay dhibaatada baahsan ee ka jirta shaqo la’aanta.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Biixi oo ka kooban Toban xubnood ayaa waxa ay sidoo kale soo darsi doonaan sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland.

Guddigan cusub oo uu Madaxweynuhu guddoomiye uga dhigay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, ayaa si gaar ah waxa ay uga soo talo bixin doonaan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada shaqo la’aanta, oo Somaliland looga hayaamo badanaa.

Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shirka golaha wasiiradu warbixin dheer ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo kulankaasi goobjoog ka ahaa, midaasi oo ku aadaneyd xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha.

Warbixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dar-dar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa.

Hoos ka akhriso Magacyada Guddiga uu Magacaabey Madaxweyne Muuse Biixi:

  1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, M Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida.
  2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
  3. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed.
  4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).
    5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
  5. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Jaamac Maxamuud Cigaal.
  6. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi.
  7. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed.
  8. Wasiirka Cadaaladda, Mustafe Maxamuud Cali Bile.
  9. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire