Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ka qayb galay daahfurka Dhaam Biyood laga sameeyay Gobolka Hawd

Balli Gubadle (Aftahannews):- Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo ay weheliyaan Mas’uuliyiinta gobolka Hawd iyo degmada Balligubadle ayaa ka qayb galay bilawga hirgalinta dhaam biyoodka Balli Case ee gobolka Hawd.

Maayarka degmada Balligubadle iyo guddoomiyaha degmada Gumburaha banka ayaa Masuuliyiinta uga mahad celiyay kasoo qaybgalka bilawga dhaam biyoodka Balli case sidoo kale waxay u mahad celiyeen wasaaradda horumarinta biyaha taas oo ay sheegeen inay door muhiim ah ka qaadatay bilawga dhaamkaasi.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa sheegay in tacab badan la galiyay dhismaha dhaam biyoodka Ballicase ee degmada Gumburaha banka, waxaan xusay in biyaha dhaamkaasi ay ka faa’iidaysan doonaan deegaanka oo dhami.

 

Hoos ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.