Gabadh Soomaali Ah Oo Ka Mid Noqotay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ra’iisalwasaare Abiy

Addis-Ababa (Aftahannews)-  – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qaatay go’aan hadal heyn badan dhaliyey kadib markii gabar Soomaali ah uu u magacaabay xubin ka tirsan golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Haweenka iyo Carruurta Itoobiya ayaa loo magacaabey Filsan Cabdullaahi Axmed oo sidii kale ah Milkiilaha Telefishinka keliya ee madaxa bannaan ee deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo Nabad TV.

Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa waxaa ay kamid tahay dhalinyarada ku dhashay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ugu firfircoon, waxaana Magacaabisteeda soo dhaweeyey inta badan Soomaalida dowlad deegaanka.

Filsan Cabdullaahi Axmed oo u ololeyn jirtay nabadda ayaa ka mid ahayd saddex wasiir oo cusub kuwaasoo u Xalay magaacabay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana maanta ansixiyey Baarlamanka Itoobiya.

Halkaan hoose ka akhriso seddexda wasiir ee uu magacaabay Abiy Ahmed

Dr Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka

Lake Ayalew- Wasiirka Dakhliga

Filsen Abdulahi –Wasiirka Haweenka, Caruurta iyo Dhalinyaradda