Muxuu Ergayga Midowga Yurub kala noqday socdaalkii uu ku yimid Hargeysa?

Hargeysa (Aftahannews) – Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga oo gadhwadeen ka ahaa heshiiskii ay wada saxeexdeen Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku, ayaa dalka ka dhoofay, ka dib dhawr maalmood oo uu socdaal ku joogay Hargeysa.

Ergayga oo uu weheliyay safiirka Sweden, ayaa socdaalkan ay ku yimaadeen Hargeysa wuxuu u muuqday mid culayskiisu ahaa dhinaca mashaariicda horumarinta oo uu Midowga Yurub la saxeexday wasaarado ka tirsan xukuumadda Somaliland, laakiin socdaalkiisa oo ay bulshadu isha ku haysay inuu diblomaasigani ku sii ambo qaado hawlaha qabyada ka ah  heshiiskii la kala saxeexday, ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashada oo uu markii u horaysay kulan la yeeshay.

Inkastoo uu ergaygu kulamo shaqo oo u muuqday inay ka baxsanyihiin arrimo siyaasadeed la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin madaxweyne-xigeen Saylici iyo Wasiirka arrimaha gudaha, haddana waxaan doorkan war rasmi laga haynin kulan la sheegy inuu ergaygu la yeeshay madaxweyne Biixi.

Inkastoo ay ergayga iyo socdaalkiisan uu ku yimid Hargeysa ay ka muuqatay niyad wanaag, haddana waxaan muuqan weli wax talaabo ah oo uu ergaygu qaaday si loo fuliyo qodobadii heshiiska. Ergayga ayaan weli soo gudbin 3 xubnood oo ay beesha caalamku ku soo dari doonto guddiga farsamo ee la shaqayn doonta guddiga doorashooyinka oo ah xubnihii guddigii hore ee doorashada.

Laakiin labada xisbi mucaarad ayaa dhinacooda fuliyay qodob khuseeyay oo ahaa inay soo magacaabaan labadii xubnood ee ay guddiga doorashada ku lahaayeen.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.