Xisbiga UCID oo magacaabay Xubinta guddida doorashooyinka u mateli doonta

Hargeysa (Aftahannews) – Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta magacaabay xubinta guddida koomiishanka doorashooyinka Somaliland u matali doonta.

Sida lagu sheegay qoraal magacaabid ah oo ka soo baxday xisbiga UCID oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Qoraalkaas ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha xisbiga Ucid ayaa lagu sheegay in xisbiga UCID uu Cabdifataax Ibraahim Xasan usoo xulay inuu ku matalo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ka dib markii dhawaan Cabdifataax uu iska casilay Guddidaasi oo khilaaf ka taagnaa la xaliyey.

 

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.