Khasaaraha Duufaanta ku habsatay Filibiin oo si weyn kor ugu sii kacaya

Samar(Aftahannews):- Madaxa Hay’adda Lanqeyrta Cas ee Filibiin, ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay duufaanta dalkaas ay aad u weyntahay.

131111035503_haiyan_typhoon_the_philippines_512x288_1_nocredit

131110100447_5

Richard Gordon waxa uu sheegay in loo baahan yahay in waddooyinka la banneeyo si cunto, daawo iyo biyo nadiif ah loo gaarsiiyo deegaanada shishe ee ay duufaantu saameysay.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa wado dadal ay doonayaan inay ku gaaraan magaalooyinka qaar ee ay ku dhufatay duufaantu.

Kumanaan kun oo ruux ayaa ku dhimatay, tobonaan kun oo kalena way ku guryo beeleen duufantan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ay hakinayaan waddooyinka iyo buundooyinka loo mari lahaa goobaha ay ku dhufatay duufaanta Haiyan oo xiran.

Masuuliyiinta Filibiin ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in toban kun oo ruux ay ku dhinteen hal gobol oo kaliye.

Madaxa boliiska gobolka Leyte, ayaa sheegay in tirada cusub ay ku salaysan tahay warar ka yimid masuuliyiinta tuulooyinka ay dabayluhu ka dhaceen. Wuxuu sheegay dadka badankood inay biyaha ay qaadeen ama ay guryo ku soo dumeen.

Mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in Jasiiradda Samar oo kaliye ay ku dhinteen 3,00 oo ruux, 2,000 oo kalena ay maqan yihiin.

Aftahannews.com                    

Hargeysa/Somaliland.