Suldaan Abu-Salmaan oo Naqdiyey Go’aankii Baarlamanka ee Xeerka Isgaadhsiinta, Talona soo Jeediyey

Hargeysa(aftahannews):- Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu-Salmaan), ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ku eedeeyey inay Golaha Ka Soo Xaadiraan Marka ay Sharciyo Mashaariic Lacageed ugu Jirto meelmarinayaan, balse Markay Masuuliyiin Ansixinayaan Kooramku buuxsami waayo.

Suldaan Colhaye oo maanta Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in Xildhibaannada Golaha Wakiilladu 2011-kii ansixiyeen Xeerka Isgaadhsiinta iyo Boosaha oo uu ku jiray qodob khuseeya keenista Xadhigga Fiber obtic-ga ee Badda hoosteeda la mariyo oo dhigayey in hal shirkad oo keliyi keeni karto Somaliland Xadhiggaas muddo 25 sannadood ah. Hase-yeeshee, ay isla iyagu laaleen qodobkaas iyo kuwo kale 2020-ka, gaar ahaan toddobaadkan.

Haddaba, Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan) oo arrimahaas iyo kuwo kaleba si faahfaahsan uga hadlaya, Talooyinna u jeedinaya Golayaasha Sharci-dejinta Xukuumadda iyo Qaybaha Bulshada, waxaannu Hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka hoose ee ka bogasho wacna oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.