Man.United Oo Dishay Rajadii Man City + Chelsea Oo Xasuuqday Everton

Hargeysa, (Aftahannews)-Manchester United ayaa guul dahabi ah Old Trafford kaga gaadhay kooxda ay xifiltamaan ee Manchester City si ay u sii wataan dagaalka ay ugu jiraan kaalmaha Champions League loogu soo baxayo waxaana United guushan ku hogaamiyay Anthony Martial iyo Scott McTominay oo ilbidhiqsigii ugu danbeyay goolka labaad dhaliyay.

Man United ayaa saddex dhibcood oo muhiim u ah xili ciyaareedkeeda waxay ka qaadatay Man City taas oo la kulantay guuldaro kale oo sii xumaysay xili ciyaareedka kooxdeeda ee Premier league.

Sidoo kale, Tababare Frank Lampard ayaa ku guuleystay inuu xiddig kale u soo saaro Chelsea iyadoo Billy Gilmour uu mar kale wacadarro u dhigay Blues kulankii ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda Everton.

Gilmour oo sidoo kale noqday xiddiga garoonka kulankii Liverpool ee FA Cup ayaa maanta soo bandhigay qaab ciyaareed kale oo la jecleystay iyadoo Gilmour iyo Mason Mount ay noqon doonaan xiddigaha ay ku dhaqaaqdo Blues.