Madaxweynaha  Oo Kulan La Qaatay Ururka WADA-JIR Ee Ay Ku Bahoobeen Sarrifleyaasha Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka sare ee ururka sarriflayaasha Somaliland ku bahoobeen ee WADA-JIR.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay hoggaanka sare ee ururka sarrifleyaasha Somaliland, ayaa waxa goob-joog ka ahaa wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, madaxda sare ee Baanka dhexe iyo qaar kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana ay madaxweynaha iyo xubnaha ururka sarriflayaashu halkaas iskaga xog-waraysteen xaaladda guud ee sarrifka iyo kor u kaca ku yimi shilinka Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee ururka sarriflayaasha Somaliland ee WADA-JIR, Mudane Axmed Xasan Mataan (Awliyo) iyo guddoomiyaha cusub, Mudane Barkhad Axmed Coofiye oo ugu horrayn kulanka ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee uu wax uga qabtay sarrifka iyo kor u qaadidda shilinka Somaliland, iyaga oo caddeeyey inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqday madaxweynihii ugu horreeyey qiimaha shilinka kor u qaada.