Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Loo Soo Celiyey Xoolo Loo Dhoofiyey Imaaraadka

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland,ayaa ka war bixisay sababta dib loogu soo celiyay Adhi bishii koobaad ee sannadkan u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii ganacsade u dhashay dalka Imaaraadka Carabtu uu Somaliland ka iibsaday Adhi isla markaana uu uga dhoofay dekedda Berbera.

Agasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland Cali Xuseen Nuur oo wargeyska Dawan wax ka waydiiyay Adhi u dhoofay dalka Imaaraadka carabta 11-kii bishii koobaad ee sannadkan oo dhawaan dib looga soo dejiyay dekedda Berbera sababta soo celintiisa,ayaa sheegay in Adhigaasi uu ahaa Adhi caafimaad qaba isla markaana Somaliland lagu sii baadhay isagoo caafimaad qabana ka dhoofay dekedda Berbera.

Waxaanu intaa u daray in xilliga doonta Adhiga qaadday ay ku beegnayd xilli cimiladu aanay wanaagsanayn isla markaana ay badda muddo badan ku sii jirtay taasina ay sababtay in adhigii uu sii jilco daaqii looku sii talo galayna uu ka dhamaaday,markii uu dekedda dalka Imaaraadka gaadhayna in la baadhay oo uu Adhigu dalkaas ka degay isagoo caafimaad qaba.

Agaasime Cali oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “waxaa jirtay in Adhi afar kun iyo dheeraad ah in uu ganacsatadeena ka iibsaday ganacsade u dhashay dalka Imaaraadka carabta,adhigaas oo uu u dhoofinayay dalkiisa Imaaraadka,waxaanu adhigu ka dhoofay dekedda Berbera ee Somaliland 11-kii bishii koobaad ee sannadkan,waxaanay ahayd in ay ugu badnaan 7 cisho in ay ku tagaan dekedaha dalka Imaaraadka ee ay ku socotay Doontu laakiin muddo badan ayay doontu badda ku sii jirtay oo cillad farsamo ayaa ku timi cimiladuna dabaylo ayay lahayd oo dhanka doonta ayay wax ka habsaameen.

markaa dhigii oo sii jilcay isla markaana ay ka go,een daaqii iyo biyihii loo siday oo wakhti badan badda ku jiray,ayaa gaadhay Imaaraadka markii dekedda Imaaraadka laga dejiyayna waa la baadhay oo adhigii oo caafimad qaba ayaa la dejiyay laakiin awood darro badani hayso oo daaq la,aan iyo badda uu ku raagay ay isu raacday.

markii uu Berbera ka dhoofayayna Maxjaradeenu way sii baadheen oo shahadada caafimadka ayaa lasiiyay.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “markii dhigu imaaraadka ka degay ee caafimaadkiisana la hubiyay ganacsadihii xoolaha iibsaday waxaa lagu yidhi adhigu wuxuu u baahan yahay in muddo la xannaaneeyo dhanka daaqsinta si ay u soo noqoto awooddii badda kaga soo luntay isla markaana neefka quwadiisii u soo noqoto.

ka dibna wuxuu geeyay beer Imaaraadka ku taalla,adhigii oo badda in badan ku jiray ayaa hadana la geeyay Beer Imaaraadka ku taalla,cimilyooyinkii badda iyo Imaaraadka oo isu barkaday ayaa sababay in adhigii neefaf ku dhintaan beertii ka dibna Ganacsadihii xoolaha innaga iibsaday ayaa ka fekeray in aan xoolihiisu ka qasaarin oo doortay in xoolaha uu ku soo celiyo Somaliland si ay uga soo kabtaan awood darada ku dhacday.markaa sidaas ayay xoolahaasi ku soo noqdeen.”

Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aallaga wydiiyay cidda xoolaasi imika u joogaan Somaliland iyo in ganacsatadii reer Somaliland qasaare kaga soo noqday,ayaa yidhi. “adhigaasi wuxuu u daaqayaa oo beer geystay ganacsadihii u dhashay dalka Imaaraadka ee innaga iibsaday wax dhankeena ka yimi oo dhibaato ahina ma jirto imikana beer ayuu u kireeyay oo ay ugu jiraan dhanka xooleheenana wax aamayn ah oo ay ku yeelanaysa ma jirto ganacsatadeenana hore ayaa looga iibsaday.”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland Cali Xuseen Nuur oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.