Somaliland: Xukuumadda Oo Shaacisay Liiska Guulaysteyaasha Ardaydii Shaqo Qaran

Hargeysa, (Aftahannews)-Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addin), ayaa maanta shaaciyey Liiska rasmiga ah ee Guulaysteyaasha dufcaddii labaad ee Ardaydii gashay Imtixaankii loogu soo gudbiyey Shaqo-qaran.

Agaasime Maxamed Cismaan Mu’addinka oo  maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in sannadkan Barnaamujka shaqo-qaran ay soo codsadeen arday ku dhaw Afar kun oo Arday, kuwaas oo galay Imtixaankii lagu kala saarayey, islamarkaana ay kusoo baxeen 1000 (Kun) guud ahaan dalka oo dhan, kuwaas oo noqon doona guulaystayaasha rasmi ah ee Barnaamujkaas ka faa’iidaysan doona.