Maraykanka iyo Soomaaliya oo Sheegay inay Ku Dileen Sarkaal Sare oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa

DIYAARADAHA MARAYKANKA OO AL-SHABAAB DUQEEYEY 2020
DIYAARADAHA MARAYKANKA OO AL-SHABAAB DUQEEYEY 2020

Muqdisho(aftahannews):- Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ee Africom, ayaa War aysoo saareen ku sheegay in duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

DIYAARADAHA MARAYKANKA OO AL-SHABAAB DUQEEYEY 2020
DIYAARADAHA MARAYKANKA OO AL-SHABAAB DUQEEYEY 2020

Gaar ahaan weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Kuunyo Barroow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose kana mid ah deegaannada ay ku xooggan yihiin Ururka Al-shabaab.

Hase-yeeshee, Warkan Qoraalka ah laguma shaacin magaca horjoogaha amma sarkaalka ka tirsanaa Al-shabaab ee la sheegay in weerarka lagu dilay.

Al-shabaab, ayaa hore ugu hanjabtay in ay beegsan doonaan Dowladda Soomaaliya, saaxiibada Geeska Afrika, Dowladda Mareykanka iyo dunida oo dhan.

Ciidammada Maraykanka, ayaa u muuqda inay labanlaabeen duqaymaha ay Diyaaradohooda aan duuliyaha lahayni ka fuliyaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo marar badan dhibaato dhimasho iyo dhaawac isugu jirtaa ka soo gaadho Dad Shacab ah oo aan iyagu waxba galabsan.

Waxaanay Maraykanka iyo Dowladda Soomaaliya ku doodaan inay beegsadeen oo ay duqaymo ku fuliyeen fadhiisimmo Al-Shabaab leedahay.

Hase-yeeshee, Warkan ayaa Mareykanku ku sheegay inay hubin sameeyeen, isla markaana ogaadeen inaanay jirin cid shacab ah oo lagu dilay amma lagu dhaawacay duqeymahan ugu dambeeyey ee Diyaaradohoodu ka fuliyeen deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.